Hayb-sooca aan weli Xal loo helin

 

Bulshada laga tirada badanyahay waxay dhibaatooyinka kala duwan kala kulmaan

qaybaha kala duwan ee bulshada soomaalida, waxaana inta badan ay la kulmaan

takoorrid iyo cadaadis gaar ahaan dhinaca shaqaalaysiinta iyo weliba guurka.

Bulshadan oo iyagu intooda badan u muuqda kuwo niyad jabsan ayaa waxa ay inta

badan cabasho xooggan ka muujiyaan takoorka lagula kaco iyo weliba dhibaatooyinka

ay ku hayaan bulshwaynta kale ee ay la noolyihiin.

Maxamed Axmed Yaasiin oo ah arday jaamacadeed isla markaana kamid ah dadkaasi

ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ugu waawayn ee uu la kulmaa ay kamid

tahay in marka la ogaado qabiilkiisa lagu cunsuriyadeeyo isla markaana loola dhaqmo

qaab aan wanaagsanayn.

Maxamed Waxaa uu intaasi ku daray in marka laga soo tago goobaha waxbarashada

sidoo kale bulshadan laga tirade badanyahay ay cadaadis kala kulmaan dhinaca awood

qaybsiga siyaasadda, iyagoo saami hoose ka hela dowladda waxaana madaxda

dhaqankoodu inta badan ka cabataa saamigaas hoose ee ay ka helaan dowladda,

“Sidaa darteed, waxaan u soo jeedinaynaa xukumada ,golayaasha sharci-dejinta iyo

xisbiyada qaranka ee dalka in ay u arkaan in ay lagama maarmaan tahay in dadka la

hayb-sooco ay ku jiraan talada dalka oo u oggolaadaan codad iyagu ka tirsan oo qeexa

arrimaha iyaga gaarka u ah, xalna loogu helo, taasoo noqonaysa dimuqraadiyadda

wada-tashiga ku dhisan ee laga wada qaybqaadanayo.”

Magaalada Hargeysa oo bulshadani ay intooda badan ku nool yihiin ayaa waxa ay

kaga nool yihiin magaalada xaafadda ugu liidata dhinaca dhaqaalaha iyo

nadaafaddaba, waxaana inta badan xaafaddaasi ka maqan kaabayaasha dhaqaalaha iyo

dhammaan adeegyada aas-aasiga ah. “ma helno Xanaano, Iskuul iyo Goob Caafimaad

oo Deg deg ah hadii ay timaado masiibo ilaahay naguma keenee halkii si deg deg ah

loogula Tacaali lahaa Xaalada Caafimaad ee Bulshadaasi, Caruurtayadu inta Badan

ma hesho Wax badasho, marka laga reebo boqolkiiba hal 1% wax ka dhigta Dugsiyo

aad u fog fog oo ku yaal Xaafadaha ay ku nool yihiin Bulshda intaada kale ee tirade

Badani, Sidoo kale Hooyada Foolataa ma hesho daryeel Caafimaad mararka qaar

waxaa dhacda inay Hooyadu Umul aroorto ka dib markii laga gaadhsiin waayo

Googta Caafimaad ee noogu dhaw oo sidoo kale la mid ah.” Ayey tidhi Hooyo Xaali

Muuse oo ku nool Xaafada Daami.

Ururka codka haweenka beelaha la hayb sooco ee VOSOMWO oo la aasaasay 2004.

Ururku muddada uu jiray wuxuu adeegyo horumarineed oo badan ayuu hore ugu

fidiyay bulshada uu u adeego, waxaannu khibrad iyo waayo-aragnimo dheer u

leeyahay kuna sameeyay daraasado cilmi ah dhibaatada tacadiyada xuquuqal-

insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda

beelaha afarta beelood ee Tumaalaha, Yibraha, Madhibaan iyo Muuse-dhariyo, ee ku

nool dalka jamhuuriyadda Somaliland.

“Haddaba, waxaan ka filaynaa golayaasha sharci-dejinta, xukumada iyo xisbiyada

qarankuba inay si buuxda u hirgalyaan nidaamka ama fikradaha samaynta nidaam

khaasah ama tiro kuraas ah oo cayiman (Quota), marnaba maaha faaiido ama asxaan

gaara oo loo fidinayo beelaha la hayb-sooco ama laga tirada badan yahay ee waa ku

milankooda dhabta ah inay helaan xuquuq la mida kuwa ay haystaan beelaha tirada

badan ee ay dalka wada wadaagaan. Caam ahaan, nidaamkaas khaaska ah ee (Quota)

ama kuraasta cayiman ee iyagoo keliya ku tartamayaan wuxuu wax ka tarayaa ku soo

milmidda beelaha la hayb-sooco ee bulshada inteeda kale, wuxuuna aayitiin fiican oo

mustaqbaleed siinayaa beelaha la hayb-sooco, markay ku dhex jiraan ama qayb ka

yihiin hawl-qabadyada qaran ee siyaasadeed iyo kuwo bulsheed”. Sidaasi waxa lagu

sheegay Warbixin ay soo Saareen Ururka VOSOMWO

Ugu dambeyntii, bulshadan ayaa ah mid boqollaal sanno la soo deristay takkoor iyo

faquuq ka dhan ah iyada, waxaana intooda badan ay ka dhaceen nolosha iyagoona

door muuqda ku lahayn bulshada ay la nool yihiin.

Ururka VOSOMWO wuxuu soo jeediyey “waxaan ka filaynaa golayaasha sharci-

dejinta , xukumada iyo xisbiyada qarankuba inay si buuxda u hirgalyaan nidaamka

ama fikradaha samaynta nidaam khaasah ama tiro kuraas ah oo cayiman (Quota),

marnaba maaha faaiido ama asxaan gaara oo loo fidinayo beelaha la hayb-sooco ama

laga tirada badan yahay ee waa ku milankooda dhabta ah inay helaan xuquuq la mida

kuwa ay haystaan beelaha tirada badan ee ay dalka wada wadaagaan. Caam ahaan,

nidaamkaas khaaska ah ee (Quota) ama kuraasta cayiman ee iyagoo keliya ku

tartamayaan wuxuu wax ka tarayaa ku soo milmidda beelaha la hayb-sooco ee

bulshada inteeda kale, wuxuuna aayitiin fiican oo mustaqbaleed siinayaa beelaha la

hayb-sooco, markay ku dhex jiraan ama qayb ka yihiin hawl-qabadyada qaran ee

siyaasadeed iyo kuwo bulsheed.

Waxay qaybtooda ka helayaan nidaamka xukuumadeed, waxayna awood u helayaan

inay wax ku biiriyaan sharci-samaynta, waxayna door weyn ka qaadayaan

horumarinta, dib u dhiska iyo maamulka dalka. Marka dib loo yara milicsado

doorashooyinkii dalka hore uga dhacay iyo halka ama raadka ay ku

reebtaydadyowgan la hayb sooco ama dhaqanka naafeeyay , taas oo bilaw u ah

halganka ama dadaalka ay bilaabeen beelaha la hayb sooco iyagoo ah muwaadiniin

asal ahaan ka soo jeedda dalka Somaliland in takoor iyo tiro yaraan ku waayeen

xuquuqdoodii dastuuriga ah ee ka qaybgalka siyaasadda iyo horumarka, talada dalka

taasina maaha waxa la aqbali karo ”.

Filed in: Articles

You might like:

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Wasiiru-dawle Magacaabay
Iiiran: Gabadh Wariye ah oo ka soo dhex muuqatay Sawiro Diinta Lid ku ah oo la cambaareeyey
UK oo 2040-ka laga mamnuucayo gawaadhida cusub ee ku shaqeeya shidaalka
Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga caafimaadka Obamacare
Xisbiga UCID Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Ee Gobolka Togdheer
Shirkadda Adobe oo khadka ka saaraysa barnaamijka Flash Player
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.