Booliiska oo galabta Suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee Hargeysa ka qaatay lacag Somaliland lagu sarrifayey

Hargeysa(Waaheen) Askar Booliis ah ayaa galabta Suuqa sarrifka lacagaha ee Hargeysa ka qaatay lacag Somaliland loogu talogalay in lagu sarrifo, kadib markii ay saraakiisha Booliisku amar ku soo bixiyeen in lacagtaas la soo xareeyo.

Lama garanayo sababta Booliisku lacagtaas Somaliland-ta ah u qaateen, hase yeeshee wararka la xidhiidha dhacdadan ayaa sheegaya in uu lahaa nin sarrif le ah oo u shaqeeya mid ka mid ah shirkaddaha waaweyn ee Somaliland.

Wararka aanu ka healyno arrintan ayaa sheegaya in Booliisku mar danbe soo celiyeen lacagtaas kadib markii lagu qanciyey inay lacagtaas soo celiyaan. Illaa hadana ma jiro wax war ah oo faahfaahsan oo ka soo baxay Booliiska iyo Sarriflayaasha toona.

Sarrifka Doolarka ayaa kor u sii kacaya wuxuuna marayaa boqolka Doolar sagaal boqol iyo labaatan kun oo shiiling Somaliland ah, taasoo shilling-kii Somaliland ku keenaysa hoos u dhac balaadhan oo sababay Sicir barar naafeeyey ganacsigii dalka, isla markaana saamayn ku yeeshay Noloshii dadka.

xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada la iman qorshe cad oo wax lagaga qaban karo qiima dhaca shilling-ka Somaliland.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.