Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Wadani oo Musharaxiinta Saddexda Xisbi ku Eedeeyey inaanay lahayn Barnaamijyo lagu kala Doorto

“illaa iyo hada hanaanka ay xisbiyaddu u socdaan ma hufna. Amba xisbi baan ka mid ahay musharaxiin kaliya ayaa meesha cararaya.” C/rashiid Xasan Mataan

Borama(Waaheen) C/rashiid Xasan Mataan oo ah xoghayaha warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa saddexda Xisbi ku dhaliilay qorshe la’aan iyo inaanay lahayn kala duwaansho u dhaxaysa Barnaamijyadooda.

C/rashiid Xasan Mataan oo ka hadlay goob ku taala magaaladda Borama oo uu ka qaadanayey kaadhkii codaynta ayaa si weyn u dhaliilay Xisbiyada iyo Xukuumadda, waxaanu ugu baaqay baahiyaha dadka in wax laga qabto, waxaanu yidhi

mataaXisbiyadda waxaan leeyahay shacabka la hor yimaada wax hufan oo ay idinku kala doortaan, illaa iyo hada hanaanka ay xisbiyaddu u socdaan ma hufna. Amba xisbi baan ka mid ahay musharaxiin kaliya ayaa meesha cararaya. Xisbiyo aan hufnaynin ma soo saarayaan xukuumad Hufan.

Shacabka halala horyimaado wixii dalkan lagu maamuli lahaa iyo dalkan sidii looga dhigi lahaa dal la wada leeyahay awoodiisa iyo cadaaladda lagu baaqayo ee lagu maamuli doono. waa in dadka loo sharxaa Qaabka looga hortagayo musuqmaasuqa baahay, waa in loo sharxaa sida loo midaynayo dadkan qabyaaladda lagu kala kaxeeyey, Dadku waxay kala doortaan waa inay helaan.

Xukuumadda manta jirta ee wakhtigoodu gabagabada yahay waxaan leeyahay waar in badan baad soo shaqayseen oo aad iskiin u shaqaysateen dadku halkii ugu xumayd bay marayaan oo cudur iyo Abaar baa isugu biirtay, Sicir barar iyo baahi baa isugu biirtay, waar ummadda u naxoo hadaad u qaadateen awoodii shacabku idiin dhiibteen inaad idinku leedihiin markii faraha la idinka saaray oo iyagii ha ku isticmaalina’e bal u naxoo dadka Abaarta uga gurmada, una qabta doorashada la idinka sugayo. 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.