Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Maqaaxida Baraada ee Berbera Kala Shaaheeyey Boqolaal Ka Mid ah Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladdaasi

1 2 3 4 5 6 7 9Hargeysa(Waaheen) Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maqaaxida Baraada ee ku taala badhtamaha magaalada Berbera kala shaaheeyey boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladdaasi.

Guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa waxa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey odeyada, dhallinyarada iyo weli ba dadweynahii kale ee ku sugnaa meheraddaasi iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimi guddoomiye Cirro isla mar ahaantaana ay u muujinaysa sida uu ka Murashax ahaan uu u daneynaayo in uu dareen dhow la wadaago duruufaha nololeed ee shacabka ku dhaqan magaalada Berbera.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa la hadlaayey qaar ka mid ah dadweynahaasi, ayaa isna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo dadweynaha ku sugnaa meheraddaasi oo uu tilmaamay in maadaama uu yaha Murashax reer Berbera ah ay khasab tahay in uu si xog-oggaalnimo ah uga war hayo xaaladda dhabta ah ee shacabkiisa.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.