Masuuliyiin Mar Kale Iska Casilay Xisbiga UCID

Hargeysa(Waaheen) Masuuliyiin xilal sar sare ka hayey xisbiga UCID ayaa mar kale shalay shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba iska casilay xilkii iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga UCID.

Waxaana masuuliyiintan iscasilay ayaa kala ahaa afhayeenkii guud ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre “Shabbaash” iyo gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Maroodi-jeex kuwaas oo dhawaan shaaca ka qaaday inay iska casileen xisbiga balse ergooyin kala duwan ay soo dhex galeen dibna ugu noqday xisbiga UCID,waxaanay mar labaad shaaca ka qaadeen inay iska casileen xisbiga UCID.

ucidMasuuliyiintan ayaa ka dhawaajiyey sababaha ku kalifay inay iscasileen iyaga oo sheegay inay tahay inaaan hawlaha xisbiga waxba lagala socodsiin madaama ay yihiin masuuliyiinta xisbiga, sidoo kale waxay sheegeen inaanay hirgalin lana fulin qodobadii lagu lad-qabeeyey markii hore.

Masuliyiintani waxay sheegeen in ay dib ka sheegi doonaan xisbiga ay cududooda taageero ku biirin doonaan.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.