Dallada SSE oo Baaq Nabadeed u diraya muwaadiniinta ku dagaalamaya Gobolka Sool iyo Abaarta baahsan

0
46

image

 

 

Taariikh:22/04/2017

Tixraac:  SSE/DK 060/22042017

 

Dallada SSE oo Baaq Nabadeed u diraya muwaadiniinta ku dagaalamaya Gobolka Sool iyo Abaarta baahsan ee waddankii ku habsatay

 

Ururka kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) ayaa ugu horreyn waxa uu muujinayaa dareenka naxdinta leh ee uu ka qabo colaadda iyo dilka ilaa hadda ka socda deegaanada hoos yimaada Gobolka Sool ee Somaliland. Ilaahay ayaynu uga baryaynaa inuu u naxariisto dhammaan dadkii ku geeriyoodey inta ku dhaawacatayna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Waa wax laga naxo in dad ay noloshooda ku waayaan dagaalka aan macnaha ku fadhiyin isla markaana qaar badan oo ka mid ahi ay ku waayaan laxaadka qaaliga ah. Xogta aynu hayno waa dedaal iyo colaad soo jiitamysay afartii sanno ee u dambeysay isla markaana sahayatay nolosha dad sare u dhaafay 80 qof.Dhammaan muwaadiniinta arrinkani sida tooska ah u khuseeyo waa muhiim in aanay marnaba hilmaamin muhimada ay nabadu u leedahay iyo weliba sida ay diinteena muqadiska ahi ay meel adag uga taagantahay in dhiig la daadiyo ama colaad la huriyo.Waa muhiim in aan marnaba laga tegin qiimaha ay nabaddu u leedahay nolosheenna. Nolosha qofka banii’aadamka ah Ilaahay ayaa xurmeeyay. In si xaq darro ah dhiig lagu daadiyaa waa dulmi iyo cawaaqib xumo. Nabadu waa aasaaska jiritaankeena. Sidaa daraadeed, muwaadiniinta colaaddan lugaha kula jira waxa aanu xasuusinaynaa haddii aanu nahay qurbo joogiinnii in dagaalkani uu yahay mid halaag iyo khasaare keenaya isla markaana qoomamadiisa iyo natiijadiisu ay noqonayso wax aan qoraalkan yar lagu sifeyn Karin.

 

Codsi iyo baaq

 

Waxaan ugu baaqaynaa walaalaha ku dagaalamaya Gobolka Sool in ay joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah. Waxa aan codsaneynaa in khilaafka jira lagu xaliyo wada-hadal iy Isfahan. Waxa naga xasuusin ah in waxa nabad iyo is-afgarad lagu xalin waayo in aan qori caaradii lagu xalin karin.

Dallada SSE way ogsoontahay dedaalada socda iyo wakhtiga la geliyay sidii colaadani u soo afjarmi lahayd. Waxa aanu si gaara uga codsanynaa Hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Sool in aanay waxba kala hadhin sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga.

Si colaadani u soo af-jaranto waxa loo baahanyahay gurmad xooggan iyo in si dhab ah loo galo tabashooyinka iyo arrimaha ku kala maqan beelaha khilaafka iyo colaadani u dhaxayso si loo helo xal iyo daawo lagu kala bogsado oo kama dambeys ah. Waxa aanu Ilaahay ka baryaynaa inuu xaqa iyo wanaaga ina garansiiyo isla markaana inaga ilaaliyo dariiqa khaldan iyo ka ay mareen inta dulmiga wadaa. Waxa aanu idinku garab taaganahay NABAD. Waxa aanu ka soo horjeednaa Colaad. Waxa aanu idiinku baaqaynaa is-afgarad. Waxa aanu ka soo horjeednaa is-khilaaf ku salaysan macno darro. Noqda kuwii nabad iyo wanaag ogolaada. Noqda kuwii diida dagaal iyo dulmi.

 

Abaarta:

 

Somaliland guud ahaan waxa ay maanta ku sugantahay xaalad abaareed oo aad u ba’an, gaar ahaan waxay abaartaasi hadda gashay dhinaca Gobolada Bariga Somaliland xaalad aad khatar u ah. Heerdhimasho ayay maraysaa, waana halkii ama heerkii u dambeeyay marka la eego xaaladaha abaarta. Taariikhda Somaliland waa abaartii ugu adkeyd ee waddanka Soo marta tan iyo 1991kii oo ah markii ay Somaliland la soo noqotey Qaranimadeeda.

Xaalad banii’aadnimo oo aad u daran ayaa jirta oo u baahan in si dhab ah la iskaga kaashado shicib iyo dowladba sidii loo badbaadin lahaa nolosha in badan oo dadka ay abaartu ku habsatay. Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka ee Somaliland ayaanu si gaara uga codsanaynaa in waddanka la geliyo xaalad degdeg ah iyo in lala yimaado istaraatajiyadii loogu gurman lahaa dadkaa tabaalaysan si looga gaashaanto musiibo wax ka qabashadeedu ay marka dambe inagu adkaato.

 

Gunaanad

 

Ugu dambeyn Wakhti adag iyo abaaro ayaynu ku jirnaa ee Ilaahay aynu dhammaanteen u wada noqono bal inuu naxariistiisa iyo deeqdiisa inagu galado.

 

Ilaahay xaqa ha ina wada garansiiyo (Aamiin).

 

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

00 45 25 53 93 15