Xukumada Somaliland oo Joojisay in Dalka la keeno Beedka Digaaga iyo Liinta Macaanta

WASIIRHargeysa(Waaheen) Xukumada Somaliland ayaa  Mabnuucday in ay dalka soo galaan Beedka Digaaga , Hilibka Digaaga iyo Liinta macaanta dalka dibadiisa  laga keeno, sidaasi waxa uu ku sheegay  Wasiirudawlaha Wasaarada Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac mar uu shalay warbaahinta u waramayey .

Wasiirudawlaha Wasaarada Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu sheegay in ay hore wareegto ugu soo saaren Beedka oo Somaliland looga keeni jiray Itoobiya in ay Joojiyeen, waxa kale oo uu xusay in Hilibka digaaga iyo Liin macaanta iyana joojiyeen in dalka ay soo galan.

Wasiirku waxa uu sheegay in sababta talaabadaasi ay u qaadeen tahay sidii ay u dhiirigalin lahaayeen wax soo saarka dalka, waxanu xusay in shirkad waddani ahi ay Beed ku filan dalka sameyso isla markana loo baahnayn, waxa kale oo uu xusay in Hilib dalka ku filan uu yaalo oo aan baahi loo qabin hilib dalalka laga keeno, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Liinta iyna dalka laga beero.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.