Xisbiyada Mucaaridka ee UCID Iyo WADDANI oo Xukumada Silaanyo ku eedeyey in ay Bixin karilaadahay Kharashkii lagu qabban lahaa Doorashada Madaxtooyada

“Maanta waxay ahayd in komishanka doorashooyinku gacanta ku hayaan lacagtii doorashada, ilaa imika  lacagtii xukumadu balanqaaday lagama hayo” Xog-yaha Waddani

“Walaac ugu weyn ee aanu qabnaa waa Xukumada oo aan wali bixin lacagtii ay Doorashadu ku Qabsoomi lahayd” Xog-haye Ku-xigeenka Ucid

Hargeysa (Waaheen) Xisbiyada mucaaridka ee Somaliland Waddani iyo Ucid ayaa walaac ka muujiyey in doorasho dalka ka dhacdo, waxaanay sheegen in Xukumada Kulmiye ilaa wakhtigan aanay bixin lacagtii ay balanqaaday ee doorashooyinka iyo tii kaadhka diwaangalinta lagu bixinayey.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade iyo Xog-haye ku-xigeenka xisbiga Mucaaridka ee Ucid Cabdinaasir Qodax ayaa si cad u sheegay in walaac ka qabaan in doorashado dhacdo wakhtigeedii madama oo aanay Xukumadu lacagtii wali aanay bixinin, waxanay sheegen in komishanka doorashooyinka wax walba ka diyaar yihiin.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo arritnaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi.  “Maanta waxay ahayd in komishanka doorashooyinku gacanta ku hayaan lacagtii doorashooyinka iyo tii kaadhka diwaangalinta lagu bixinayey, marka lacagtii xisbiga Kulmiye iyo xukumadu balanqaadeen ee doorashada wali may bixin, komishanku lacagta ay hayaana wax ka badan labba bilood kuma shaqayn karaan, qolada xukumada lacagtii wali waa laga sugayaa ee lacagta bixiya ayaanu leenahay, komishanka shaqadiisii wuu dhameystay waxa kali ah ee ka dhimani waa lacagtaasi Madaxweynuhu balanqaaday, lacagtaas oo la helomooyane dalkan doorasho kama dhacayso”Ayuu yidhi Xog-hayuhu.

 

Xog-haye ku-xigeenka xisbiga Mucaaridka ee Ucid Cabdinaasir Qodax ayaa isaguna walaac ka muujiye qabsoomida doorashada, madama wali laalantahay lacagtii xukumadu balanqaaday. “Doorashada inoo mudeysan oo inta badan buuquna ka dhashay, ayaa hadana war war kale oo dhaqaale uu jiraa, lacagta doorashada ku baxaysa xukumada balanqaaday, markii qolooyinkii inaga caawin jiray doorashooyinku ay ka mooral jabeen doorashooyinkeeni dib dhac ku yimid, xukumada wax looga bahan yahay lacagtii ay balanqaadeen in ay bixiyaan.” Ayuu yidhi.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.