Saddex Qof oo caddaan ah oo isir nacayb loogu dilay Maraykanka

kooxSaddex nin oo caddaan ah ayaa la dilay mid kalana dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii uu nin madaw ahi rasaas ku furay iyaga oo ku sugan magaalada Fresno ee gobolka California ee dalka Maraykanka, waxaana looga shakisan yahay in uu ahaa weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku sheegeen.

Kori Ali Muhammad ayaa 90 ilbiriqsi gudahood ku riday 16 xabbadood, weerarkaasina wuxuu dhacay Talaadadii sida uu sheegay Jerry Dyer oo ah sarkaal booliis ah.

Illaahay baa wayn o af Carabi ah ayuu ku qaylyay markii la xidhay laakiin Dayer wuxuu rumaysan yahay in uusan ahayn weerar argagixiso ee uu ahaa mid midab midab sooc ku salaysan.

Kori oo 39 jir ah ayaa sidoo kale rabay in uu dilo waardiye hotel todobaadkii hore.

Booliisku waxay sheegeen in ninkani uu Facebook ku bidhaamiyay in uu necebyahay dadka cad uuna soo bandhigay aragti ka dhan ah dawladda.

Dhamaan dadka ay rasaastu ku dhacday waa caddaan, mid ka mid ahna waxay xabbaddu ku dhacday isaga oo fadhiya gaadhigiisa. “Waxaa u qorshaysnayd in uu dilo inta uu awoodo” ayuu yidhi Dyer.

Filed in: Articles, Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.