Dumar reer Burindi ah oo Xaalad Adoonsi oo kale ah ay Sacuudiga ku Haysto

dumDawladda Burundi ayaa soo daadguraynaysa 800 oo haween iyo gabdho isugu jira oo tahriib lagu geeyay Bariga Dhexe sanadkii hore, kuwaas oo qabta shaqooyin la mid ah adoonsi, sida ay sheegtay hay’ad dalkaas ka hawlgasha oo xuquuqda aadanaha u dooda.

Ilaa iyo hadda soddon ka mid ah dumarkaas ayaa la soo daad gureeyay, waxaana ka mid ah haweenay Sacuudiga loogu soo gaystay tacadiyo ay qaarkood galmo la xidhiidhaan oo haddana lagu riixo kuraasta dadka naafada ah, sida ay sheegtay NOATC.

In kabadan 820 haween iyo dumar ah ayaa la tacriibiyay sanadkii hore, badankoodana waxaa la geeyay Sacuudi Carabiya iyo Cumaan, ayay intaas ku dartay warbixinta.

Waxaa loo ballanqaaday shaqooyin wanaagsan, waxayse taasi ku soo dhamaatay shaqooyinka guryaha laga qabto oo xaaalad aad u adag ah, taas oo dumarka qaar ay barbar dhigeen adoonsi sida ay hay’addu sheegtay.

Filed in: Articles, Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.