Ururka Daacish oo Mar kale la Wareegay Deegaano Hoos Taga Puntland

Ciidamada Puntland ayaa isaga baxay deegaankaas, waxaana markiiba la wareegay Kooxda Daacish

isHargeysa(Waaheen)  Ururka Daacish ayaa mar kale gacanta ku dhigtay deegaan ka mid ah deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland kadib markii bilooyin ka hor laga saaray Degmada Qandalla. Haddaba wararkii ugu dambeeyey oo ay Waaheen  ka heleyso Gobolka Bari gaar ahaan Degmada Qandala ayaa sheegaya inay ciidamada ka tirsan Kooxda Daacish ay gacanta ku dhigeyn deegaanka Saan oo hoos tagta degmada Qandala kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Puntland ee halkaas ku sugnaa. Ciidamada Puntland ayaa isaga baxay deegaankaas, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeyso inay halkaas faaruqiyaan, waxayna arrintaasi keentay inay Ciidamda Daacish si dagaal la’aan ay kula wareegaan halkaas. Maamulka Puntland weli wax jawaab ah kama bixin arrintaan kasoo cusboonaatay Degmada Qandalla, maadaama dhawr bil ka hor ay ciidamada Puntland dagaal culus halkaas kula galeyn dagaalyahanada Daacish. Ciidamada Daacish ayaa muddo 2 Bil ah ku sugnaa Degmada Qandalla, waxayna ugu dambeyn dagaal culus kala kulmeyn ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Puntland. Ururka Daacish ayaa shaacisay inay howlgalo ka wado gudaha Soomaaliya, waxayna la wareegtay qeyb ka tirsan Ciidamadii Al-Shabaab, kuwaas oo kusoo biiray ururka Daacishta Soomaaliya.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.