Erdogan oo ku guuleystay afti awooddiisa lagu kordhinayay

orHargeysa(Waaheen) Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ”HAA” ay ku guuleysteen aftda.

Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2019-ka.

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Maxaa ku qoran dastuurka cusub?

Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.

Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.