Xildhibaan Golaha Guurtida ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku eedeyey in uu ku fashilmay wax ka qabasho la’aanta Sicir-bararka

“Madaxweyne  Degreetadii iyo Go’aanadii aad ka soo saartay  sicir-bararka  way  uga sii dareen”Xildhibaan Dayib

 

dddHargeysa(Waaheen) Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ee Somaliland oo Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta Sicir-bararka cirka isku shareeray, waxaanu sheegay in Digreetadii Madaxweynuhu wax kaga qabanayey Sicir-bararka ay  fashilantay.

Xildhibaan Dayib waxa uu kale oo uu sheegay in Boqolkii Dollar uu marayo Sagaal Boqol iyo konton kun oo shillin, isla markana loo baahan yahay in wax laga qabto, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabkii abaartii ku dhacday ay  ugu darsantay sicir-barar.

Xildhibaan oo arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi.“Maanta Somaliland Sicir-bararkii meel aad iyo aad u xun ayuu marayaa, dadkii danyarta ahaa ee reer Somaliland runtii iyaguna way dhiban yihiin, Boqolkii dollar-na wuxu marayaa sagaal boqol iyo konton kun oo shillin, Halmilayn oo Shillin ayuu fooda la galay, runtii arrintaasi waa arrin u baahan  in wax laga qabto, waxa kale oo jirtay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu digreeto soo saaray odhanysa in aan Zaadka Boqol dollar wax ka yar aan lagu isticmaalikarin, in Lacagta Fiiyada Iskuulada lagu bixiyo Shillin Somaliland, laakiin Shacabka Somaliland waxay iswaydiinayaan go’aankii Madaxweynuhu soo saaray ma shirkadihii ayaa ka xoog roonaday oo dawladiiba bilaa itaal noqotay, Lacagtii Shillin Somaliland waxa qiimo riday oo dilay waa Dolarka,  waxaan madaxweynaha leeyahay madaxweyne Go’aankii kaa soo baxay fuli oo shacabka ku naxariiso, madaxweyne dadkii danyarta ahaa Abaartii waxa ugu darsamay Sicir-bararka ee wax ka qabo, waxaba la mooda Madaxweyne in go’aankagii aad soo saartay uu sicir-bararkii uga sii daray”ayuu yidhi xildhibaanku.

 

Filed in: Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.