Baar Tuunisiya ku Yaal oo isku Dhex daray Aadaanka Salaada iyo Muusik oo la Xidhay

_95455692_25ec6ea8-4e78-4c84-84e7-bdb91ed545c7Baar ku yaalla Tunisiya ayaa albaabada loo laabay ka dib markii la arkay muuqaal muujinaya aadaan loo daaray dad qoob ka ciyaar dheelaya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Muuqaalkan oo laga duubay magaalada Nabeul ee ku taaalla waqooyiga bari ee dalka Tunuusiya ayaa la soo bandhigay Axaddii, dad badan oo ka cadhooday arrintaas ayaa dareenkooda ku soo gudbiyay baraha ay bulshadu ku xidhiidhaan.

Gafarnatooraha Nabeul, Mnaouar Ouertani ayaa sheegay in baarku uu sii xidhnaandoono ilaa iyo amar dambe.

Baadhitaan arrintaas la xidhiidha ayaa la billabaay Muuqaalka la helay ayaa muujinaya dad baar jooga oo qoob ka ciyaar dheelaya, kuwaas oo ay muusik u daarayaan labo ruux oo reer galbeed ah, halkaas oo u dhaw goobta loo tamashle tago ee Hammamet oo xeebta agteeda ah.

Muusikada ayaa lagu daray aadaanka salaadda. Ouertani ayaa sheegay in markii ay dhacdadaas xaqiijiyeen ay go’aansadeen in ay albaabada u laabaan baarka. Wuxuu intaas ku daray in ay xabsiga la dhigay maamulihii baarka wuxuuna sheegay in baadhitaanno ay socdaan. Qoladii soo abaabushay ayaa raaligalin soo galiyay facebook, laakiin waxay sheegeen in aysan qaadaynin masuuliyadda daaridda muusiggii dhib keenaya. Qofkii daaray ayaa raaligalin bixiyay wuxuuna sheegay in uusan marnaba uga gol lahayn in uu qof ku xumeeyo.

Filed in: Articles, Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

DANJIRAHA INGIRIISKA OO BOOQDAY XARUNTA DHAQANKA EEHARGEYSA OO LAGU QABTAY BANDHIGA CAALAMIGA AH EE BUUGAAGTA
Daawo: Wasiirku xigeenka Dhaqan iyo Dalxiiska Oo Ceerigaabo lagu soo dhaweeyey
Xisbiga Kulmiye Oo Degmooyinka Cusub u bagacaabay Masuuliin Cusub
Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya
Maxaabiis Itoobiya ay soo daysay oo Muqdisho gaadhay
Madaxii Booliiska gobolka Minnesota oo iscasishay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.