Barakacayaal Lagu soo Dhaweeyey Gobolka Awdal

0
124
baraac awdalBoorama (Waaheen) Todobaadkii u dambeeyay waxa gobolka Awdal soo gaadhay dad aad u tiro badan oo ay xoolahii ka dhamaadeen ama wata xoolo ay abaartu wax yeeshay kuwaas oo ka soo hayaamay gobolada Bariga Somaliland.

Dadkan oo qaarkood ku soo gaadheen gobolka Awdal baabuur, ayaa waxa ay Hooyo Xaawa Maxamed Mire oo wadatay xoolo ay tiradoodu aad u yar tahay iyo caruur 7 ah ay shabakada Hadhwanaagnews uga warantay Meesha ay ka timid iyo sida ay ku soo gaadhay halkan waxana ay tidhi

“Waxa aan ka nimid degaano dhinaca Hawdka xiga, waxa na soo bara kicisay Abaar, waxa aan maqalnay in cirkii ka hooray galbeed, sidaas ayaanan u soo haybsanay, ma wato xoolo badan, waxa aan wataa 20 neef oo adhi ah oo ahaa inta iiga hadhay tiro adhi ah oo ay abaartu kolba in siibtay, waase alxamdulilaah”

 

Masuul ka tirsan Gudida Abaaraha Awdal Md. Xasan-rabiic Sh. Cabdiraxmaan Cilmi oo isaguna shabakada la hadlay ayaa ka dayriyay xaalka dadkan, waxana uu yidhi “7aad gudahood waxa gobolka soo gaadhay dhawr boqol oo qoys oo bari ka yimid, dadkaasi waxa ay dageen inta u dhacaysa Idhanka ilaa Shirwaca oo magaalada Boorama duleedkeeda ah, wax hoy ah ma wataan, xoolahooduna way tabar daran yihiin, waxa ay soo raaceen roobka, waxase aan walaac ka qabnaa in roobku uu wax yeelo, sababta oo ah waa dad iyo duunyo nuglaatay oo ay abaartu riiqday”

Waxa aan dalbanaynaa gurmad ka balaadhan kan la hayo, sababta oo ah Awdal waxa fuulay culays badan oo kaga yimid dhinaca dadka soo guuray iyo dadkii sii deganaa oo daaqii iyo biyihii yaraa ee la hayay ka wada fara baxay”

Si kastaba ha ahaatee dadkan ayaa waxa ay gobolka soo gaadhayaan waqti uu la ildaran yahay quudinta iyo gurmadka dadka soo guurtada loo yaqaan ee kaga imanaya dhinaca gobolada Bariga Somaliland.