Madaarka Berbera oo Berri Si rasmi ah loogu wareejinayo Emaaraat-ka

Hargeysa(Waaheen) Wafti ka socda Dawlada Imaaraadka Carabta oo uu Hogaaminayo Wasiirka Duulista ee Imaaraadka Cabtu ayaa Berri Soo gaadhi doonaa Madaarka Berbera, dhanka kale waxa galabta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa Wafti Wasiiro ah oo ka kooban iyo Wasiirka Arimaha Gudha, Wasiirka Arimaha Dibada, Safiirka Somaliland u Fadhiya Imaaraatka iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.

Labadan Wefti ayaa Berri ku kulmi Doonga Gagida Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera Oo ay Dawlada Somaliland ka kiraysay Dawlada Imaaraadka Carabta, Weftiyadan ka kala Socda Somaliland iyo Imaaraatka ayaa si rasmi ah ula kala Wareegi doona, Madaarka oo hada ka dib Imaraatka u noqon Doona Saldhig Milatari. waxa kale oo ay labada Wefti isla eegi doonaan wixii hanti ah ee taala Madaarka, iyo nimaamka ay Imaaraadku ula wareegayaan.

Waxa la filayaa inay Guuto Ciidan ah oo ka kooban 300 oo askarta Imaaraatk ahi iman doonaan Saldhiga Berbera Wixii ka dambeeya Bisha bilawga ah ee April ilaa bisha May horaanteeda, siday sheegayaan Wararka ka imanaya Saldhiga Milatari ee Berbera laga hirgalin doono.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.