Nin ay Jebiso Liqday oo Caloosheeda Maydkii laga soo saaray

 

JABISOMaydka nin u dhashay dalka Indonesia oo la waayay ayaa laga helay caloosha jebiso liqday, sida uu sheegay booliska. Akbar oo ku noolaa jasiiradda Sulawesi, ayaa la waayay Axaddii.

Mas’uul ka tirsan booliska Indoneisa ayaa BBC-da u sheegay in intii lagu guda jiray baadigoobka ninkan 25 sano jirka ahaa, la arkay jebiso wayn oo ay tuhmeen inay liqday ninka.

Jebisada oo dhirirkeedu uu gaaryay 7 mitir ayaa caloosheeda la dilaaciyay, waxaana halkaa laga soo saaray meydka ninkaasi. Waa dhif iyo  naadir in jebiso ay disho islamarkaana cunto bani’aadamka.

Dadka deegaanka ayaa booliska u sheegay in Akbar uu maqnaa muddo 24 saacadood ah.” Waa la raadiyay balse waa la waayay Akbar. Dadka deegaanka ayaa arkay jebiso aan dhaqaaqeyn oo god ku jirto. Waxayna tuhmeen inay liqday ninka la raadinayo, ayuu yidhi Mashura oo ka tirsan booliska”.

Filed in: Articles, Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.