Wasiirka Maaliyada oo Shan Milayn oo Dollar Ku Wareejiyey Baanka Dhexe

0
183

“Beentu waa Furaha munaafaqa, Beentii qof qof u sheegayey ayaa imika Telefeshinada lala soo fadhiisanayaa, Komishanka Aniga ku Wareejiyey Jeeg Afar iyo Labbatan Bilayn ah”Samsam

 

baankaHargeysa (Waaheen) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay Bangiga dhexe ku wareejisay Shan Milyan oo Dollar oo ay bixisay Shirkada DP WORLD.

Agaasimaha Cashuuraha barriga ee wasaarada Maaliyada Maxamed Axmed Cawad iyo Qasnajiga Baanka dhexe Axmed Sayid Cali ayaa lacagtaasi si rasmi ah ula kala wareegay waxaana Goob joog ka ahaa Maamulka baanka Dhexe.

Agaasimaha Cashuuraha barriga ee wasaarada Maaliyada Maxamed Axmed Cawad oo ugu horeyn ka hadlaya goobtaasi lacagta lagula kala wareegayey ayaa sheegay in lacag Shan Milayn oo Dollar ah ay ku wareejinayaan Baanka dhexe. Waxanu yidhi. “Waxaanu maanta Baanka dhexe ku wareejinaynaa Shan Milyan oo Dollar oo ah lacagtii DP WORLD ay bixisay ee dekeda berbera”.

Qasnajiga Baanka dhexe Axmed Sayid Cali ayaa lacagtaasi gudoomay waxanu yidhi.  “Waxaan Agaasimaha Cashuuraha Barriga kala wareegayaa Shan Milyan oo Dollar oo hortayda taalla”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in lacagtaasi ay si rasmi ah oo cad ugu wareejiyeen Baanka. “Halkan aanu maanta joognaa waa Bangiga  dhexe oo aanu ku wareejinayno Shantii Milyan ee Dollar ee ku hadhsanaa DP WORLD waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa shirkada Dahab-shiil oo had iyo jeer si hufan lacagta noo soo gaadhsiisa, waxa kale oo aan u mahad naqayaa maamulka Baanka oo  si fiican noogala wareega. ”Ayey tidhi Samsam.

Wasiir Samsam ayaa Jawaab Kulul ka Bixisay hadal ka soo yeedhay qaarka mid ah Mucaaridka oo wasiirada eedeyey. “Beentu waa Furaha munaafaqa, beentii qof qof u sheegayey ayaa imika Telefeshinada lala soo fadhiisanayaa, Habeen hore waxaan maqlayey nin weyn oo anigu aan Ixtiraami jiray oo leh Jeeg Madhanbuu ahaa, Komishanka aniga ku wareejiyey Jeega Afar iyo Labbatan Bilayn ayey ahayd, Miisaniyada noogumay jirin laakiin waa markii la lahaa,  Doorashadu waxay dhacaysaa Bisha Saddexaad, marka Madaxweynuhu wuxu yidhi lacagtaasi meel laga doonaba waa in lacagtaasi la Bixiyaa, Afartii Milayn dollar  Komishanka Akoonkooda ayey ku jirta, hadalkaasi aad ayaan uga xumaday waayo nin weyn oo la daawanayo oo aan Somaliland oo kali ah ku koobnayn in uu beenta intaasi leeg sheego waa la yaab”Ayey tidhi Wasiir Samsam.