Waftigii WADDANI oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay’adda Ganacsiga u Qaabilsan Dalka Jarmalka

0
96

 

Waxa kale oo ay la kulmeen Jaaliyada reer Somaliland ee kunool Jarmalka

 

17457324_1314565735290220_252628769392159049_nHargeysa(Waaheen) Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee socdaalka ku maraayey qaaradda Yurub oo wakhti xaadirkan ku sugan dalka Jarmalka, ayaa kulan la qaatay madaxda hay’adda ganacsiga ee dawladda Jarmalka iyo weli ba sida oo kale madaxweynaha jaamacadda caanka ah ee SHR University.

Kulankan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, la taliyaha arrimaha dibadda ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weli ba sida oo kale uqaabilsanaha xisbiga WADDANI ee qaaradda Yurub.

Kulankan oo socday muddo saacado isla mar ahaantaana ay warfidiyeenku dibadda ka joogeen, ayaa waxa ay ka wada-hadleen siddii ay hay’adda ganacsiga ee dalka Jarmalka iyo ganacsatada Somaliland ay iskugu xidhmi lahaayeen iyada oo sida oo kale na lagu falan-qeeyey siddii jaamacadda SHR University ay iyadu na qeyb uga noqon lahayd siddii ay wixii karaankeeda ah uga geysan lahayd in ay wax tarto jaamacadaha dalka isla mar ahaantaana ay iyagu na isku xidhmaan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa waxa uu ka xog-waramay xaaladda Somaliland isaga oo iftiimiyey in ay Somaliland tahay dal nabdoon oo suurto-gal ay tahay in laga hir-geliyo ganacsiyo waaweyn kuwaasi oo wax badan ka tari kara shaqo la’aanta ka jirta Somaliland, waxa kale oo uu iftiimiyey wadamada caalamku na ay ku soo dhiiradaan siddii ay Somaliland u maal-gashan lahaayeen.

 

 

Musharax Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo weftigii uu hoggaaminayey ee mudooyinkii ugu dambeeyey safarka shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah waddamada Yurub ayaa gaadhay dalka Jarmalka..

Weftiga Xisibiga WADDANI ee uu Hoggaaminayo Musharxa Cirro ayaa markii ay soo gaadheen magaalo madax-da dalka Jarmalka ee Berlin kala kulmay Jahliyada reer somaliland soo dhaweyn ballaadhan oo ay ku qaabileen, taasi oo ahayd mid aanay u kala hadhin jahliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka jarmalka, iyadoo ay soo dhaweyntaa lagu qaabilay ka mahad-naqeen masuuliyiinta Xisbioga WADDANI, isla markaana ay amaan u soo jeediyeen jahliyada reer Somaliland ee dalka Jarmalka ku dhaqan.

Dhanka kalena habeenkii xalay ahaa ayaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka ay xaflad aad u heersaraysa ku qaabileen weftiga, taas oo ay ku soo dhaweynayeeyey weftiga, iyadoo munaasabadaai ku dhammaatay jawigii loogu talogay , isla markaana ay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee uu horkacayey musharax Cirro ay khudbad koo kooban oo mahad-naq iyo xog0-waran ka jeediyeen.

Ugu dambayntii Musharax Cirro iyo masuuliyiinta kale ee Xisbiga WADDANI ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka jarmalka waxay kullamo la qaadanayaan masuuliyiinta dowlada Jarmalka iyo qaybaha kal duwan ee Jahliyada reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Jarmalka, waxa kale oo ay shirar kala duwan la yeelanayaa masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.