Hargeysa oo lagu aasasay Labadii Hablood ee daadku shalay qaaday

0
125

 

hablo Hargeysa(Waaheen) Labadii Hablood ee shalay daadku qaaday ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa. Waxa soo baxay khasaarihii ugu horreeyey eek a dhashay roobabka gu’ga oo meelo badan oo Somaliland ah ka curtay, waxana dhibaatada ugu weyni ka dhalatay dooxa Dacar-budhuq ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera oo shalay gaadhi uu qaaday ay ku geeriyoodeen laba kamid ahi ahaayeen hablo walaalo ah.

Gaadhiga daadku qaaday oo noociisa lagu sheegay Surf, ayaa waxa qaaday biyo xoog badnaa oo dooxa marayey, waxana halkaas ku geeriyooday laba hablood oo walaalo ahaa, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Asma Maxamed Yuusuf iyo Foosiya Maxamed Yuusuf.