Magaalada Muqdisho oo Qaraxyo ka dhaceen

0
104

QARAXXHargeysa(Waaheen) Ugu yaraan hal ruux, ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeryooday, halka  Afar kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax ku xidhnaa gaadhi uu ku qarxay banaanka hore ee maqaayada Banooda oo u dhaxeysa Taalada Xaawa Taako iyo Daljirka Daahsoon.

Maqaayada Banooda, waxaa ay sidoo kale u dhowdahay Hoteelada Naasa Hablood iyo Centraal. Dad goob-joogayaal ah ayaa  sheegay, in Qaraxa uu ahaa mid xoogan, lagana maqlay nawaaxiga goobta uu ka dhacay. Gawaadhida dab damiska iyo kuwa  gurmadka deg-dega ayaa goobta soo gaaray, qaraxa kadib. Sanadkii hore, Qaraxa gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay isla banaanka hore ee maqaayada Banadooda.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa. Laba maalin ka hor isla Qarax gaari loo adeegsaday ayaa waxaa uu ka dhacay difaaca ay ciidamadda Ammaanka dowladda ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaaladda Muqdisho, oo aad ugu dhow maqaayada Banadooda, waxaana Qaraxaasi ku geeryooday ugu yaraan daraasiin ruux.

Waa Qaraxii labaad ee maanta ka dhacay magaaladda Muqdishu, Qaraxii hore waxaa uu ka dhacay xaafadda Seeybiyaano ee degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdishu.