Nin iyo Xaaskiisa oo loo kala Magacaabay Laba Wasaaradood oo Muhiim ah

0
165

 

Wasiirka Korontada iyo Biyaha  Prof. Saalaim Caliyow Ibrow Iyo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga 

Hargeysa (Waaheen) Lamaane Xaas ah ayaa ka mid noqday Wasiirada cusub ee Xukumada Somaliya, waxaanay dadka Baraha Bulshada ku falanqeeya Siyaasadu sheegen in dhacdo la yaab leh ay tahay madama labadan Qof oo kala ah   Xildhibaan Prof. Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha kana soo jeeda Beesha  Digil iyo Mirifle uu xilkaasi loo magacaabay halka Xaaskiisa oo kala qabiil yihiin oo la yidhahdo  Khadiijo Maxamed Diiriye ay noqotay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga, waxanay ka soo jeedda Beesha Shanaad  gaar ahaan  Beesha Yaxar.