Cali Guray oo Faysal Cali Waraabe ku eedeyey in uu Raysalwasare ku-xigeenka cusub uu Xamar u diray

0
179

CALIHargeysa(Waaheen) Muj Cali Gury oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ayaa waxaa  uu ka hadley masuulka loo magacaabey Raysal wasaare ku xigeenka dalka Somaliya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Cali Guray ayaa waxaa uu amaan badan u soo jeediyey masuulkas isaga ku sifeeyey in uu yahay qof dadnimo wanaagsan , isla markaana waxaa uu hoosta ka xariiqay in xilkaas loo magacaabey uu rumeysan yahay in Faysal Cali Waraabe lug ku leeyahay waxaana uu yidhi “Ilaahay hortii Khadar in aanu ahayn markuu Somaliland joogay qof Ina Cali Waraabe oo kale la barbar dhigo. Anigu ma ogi goorta uu u ahaa la taliye sharci lakiin miyaanu ahaan jirin la taliyaha dhinaca sharciga ee Komishanka Doorashooyinka mise waa Khadar kale.

Hadii uu isagii yahay mudada ugu dheer intii aan aqaanay shaqada uu hayay taasay ahayd. Qofnimadiisu hadii aynaan mawqifka uu qaatay ku diidayn anigu qof shakhsi ahaan aad u wanaagsan oo aan lagu metaali karin Ina Cali Waraabe ayuu ahaa waayo wuxu ahaan jiray nin dhalinyar oo dhawrsan oo damiirkiisu nool yahay.

Lakiin waan rumaysan karaa in Faysal ku lug lahaa xilka loo magacaabay ilayn isaga wax ka reebani ma jiro wax aanu ku lug lahaynina ma jirta balse inta Faysal tiisa tixgelin lagu siiyay ma qiyaas karo ” Ayuu yidhi Muj Cali Guray