Weerar Argagixiso oo Lagu qaaday Xarunta Barlamaanka Ingiriiska

0
81

TELEMMGLPICT000124017629-large_trans_NvBQzQNjv4BqeAPFwKU_Y4rN1J4QNz2LAvqRbED3a78_HDVufmckv_MLodon(Waaheen) Weerar Argagixiso oo ka dhacay Badhtamaha Magaalada London ayaa waxa ku dhintay 2 Qof halka 10 qof oo kalena ay ku dhawacmeen.

Gaadhi ayaa si ula kac ah loo jiidhsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xidhay. hawenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaaray.

Qof ka soo dagay gaadhigaaasi ayaa toorey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.

Gawaadhida gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xidhiidhin  iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xidhay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan ‘war kaa ka duwan’.