Maxkamadda Maroodi-jeex oo Cadaysay Inaanay wax Dacwad ahi Diiwaanka ugu jirin Shirkadda Prime Somaliland

0
84

Mulkiilaha Shirkadda Mr. Xamaado oo Xildhibaan Cabdicasiis Dhulcun ku eedeeyay inuu warar been iyo dacaayad ah baahiyay shirkadan

maxHargeysa(Waaheen) Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa cadaysay inaanay wax dacwad iyo fulin ah midkoodna diwaanka maxkamadda ugu jirin shirkadda Prime Somaliland iyo Suldan Limited LTD.

Warbaahinta gaar ka mid ah ayaa qoray in maxkamadda Hargeysa ay go’aan xukun ah ka soo saartay dacwad u dhaxaysay Shirkadda Prime Somaliland iyo ganacsato carbeed.

Hase yeeshee maxkamadda ayaa cadayntan dacwadeed soo saartay ka dib markii uu Mr. Maxamed Xasan Ismaciil (Xamaada) u qortay codsi dalab cadayn ah, iyagoo ay qareenadiisa oo kala ah Barkhad Jaamac Aare iyo Sacad Yaasiin Maxkamadda ka dalbadeen inay wararkaas cadayso.

Qoraalka maxkamadda oo lagu socodsiiyay gudoomiyaha maxkamadda gobalka islamarkaana ay ku saxeexnayd Warda Maxamed Cilmi oo ah kaaliyaha sare ee maxkamadda gobalka Maroodijeex ee Hargeysa iyadoo tixraacaysa qoraalka codsiga ah eek u taariikhaysan 20/3/2017, ujeedadiisuna tahay codsiga xaqiijin dawcadeed ama xukun oo uu maxkamadda u soo gudbiyay qareen Barkhad jaamac Aar iyo qareen Sacad Yaasiin.  Sidoo kalena tixraacaya qoraalka qalinka ee guddoomiyuhu u soo gudbiyay xafiiska K/sare si loogu baadho diwaanka dawcwadaha lagu diiwaangeliyo.

 

Haddaba, mudane gudoomiiye markaanu baadhnay diiwaanka dawcadaha madaniga ama fulinta ee maxkamadda gobalka M/jeex dacwadaha ama magacyada Maxamed Zaa’id Abu Shareif, ee ah shirkadda Prime Somaliland iyo Sultan Limited LTD Magacyadaasi waxaan cadaynaynaa inaanay ku jirin diiwaanka dacwadda madaniga ah iyo fulinta ah ee maxkamadda M/jeex.

Geesta kale ganacsade Maxamed Xasan (Xamaada)  ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu baahinta wararkaas ka dhan ah shirkadda Prime Somliland ku eedeeyay  xildhibaan Cabdicasiis Dhulcun.

“Tixraac qoraalka ku soo baxay Wargeyska Waaheen, soona baxay maalinimadii Isniinta ee taariikhdu ahayd 20/3/2017 kana hadlayay in xilwareejin kambani saamiga ugu badan uu leeyahay Maxamed Xasan cawl  (Xamaada) magaciisuna yahay Prime Somaliland kana diwaangashan dalka Somaliland, kaas oo wargeysku qoray in maxkamadu ku wareejisay niman carab ah, loona samayn doono xaflad xilwareejin ah sida Wargeysku Qoray.

Ka dib waxa aanu tagnay maxkamadda gobolka islamarkaana waydiinay guddoomiyaha in ay jirto warqad xilwareejin ah oo ka soo baxday xagooda, waxa uuna amray gudoomiyuhu In arrintaasi loo soo baadho, baadhis ka dibna maxkamadu waxay cadeysay in uu yahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.