Ciidanka Booliska oo Xidhay Nin ay isku Magac yihiin Madaxweyne Siilaanyo

0
49

 

BN-1Hargeysa(Waaheen):-Ciidamada nabad galyada wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay muwaadin ay ku eedeeyeen inuu la magac yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Nuuraadiin ee magaalada Hargeysa.

Sida uu Waaheen  u xaqiijiyey Mukhtaar Cabdi Xaashi oo ka mid ah hawl wadeenada dugsiyada  Nuuraadiin, xadhiga macalinkan ayaa yimid ka dib markii uu lacag u soo diray mid ka mid ah macalimiinta ka hawl gasha dugsiga Nuuraadiin oo ay ciidamada nabad galyada wadooyinku ku ganaaxeen gaadhi uu sharci la,aan ku waday.

Ciidamada nabad galyada wadooyinka ayaa amray in la soo xidho muwaadinka ay isku magaca noqdeen madaxweyne Siilaanyo ee macalinka ah, waxaanu ilaa haatan ku xidhan yahay mid ka mid ah saldhigyada magaalada Hargeysa.

Mukhtaar Cabdi Xaashi ayaa Waaheen u sheegay in macalinkan oo dadiisu tahay 40 jir magaciisa rasmiga ahi uu yahay Axmed Maxamed Maxamuud, waxaanu xusay in naanaysta Siilaanyo loo raaciyey wakhtiyadii ay shacabka somaliland u qaxeen xeryihii qaxoontiga ee wadanka Itoobiya.