Adduunyada maanta in ka badan 1,000 saldhig ayaa ka jira

Adduunyada maanta in ka badan 1,000 saldhig ayaa ka jira oo ku kala yaal 165 waddan. Wali ma arag meel golayaal qaran inta la horkeeno la leeyahay noo ansixiya.

Xukuumadduhu waxa ay awood u leeyihiin in ay dalkooda si strategic ah ugu fikiraan, si ay mustaqbalka ugu jiheeyaan taariikh waxtar badan u leh danta dalka iyo dadka.

Hadda dalku waxa uu noqday meel shacab ka talinayo haddana dawladdi ka jirto! Somaliland waxa ay noqotay meel aan maamuus, is ixtiraam iyo garasho dawladnimo midna ka jirin.

Qaladkaas oo dhan waxa leh, dadka inta aqoonta leh oo ka dhuumatay siyaasad markii ay wakhtigoodii yimi. Dabadeedna waxa qabsaday shacab iyo ninkii la xukumi lahaa.

Maanta waadigaa arka shacab, shacab xukumaya ayey noqotay. Waa suura-gal in xataa ka la xukumayaa ka xog-ogaalsan yahay, ka itaal iyo garasho roon yahay ka wax xukumaya.

Dhibtu waa in huubihii korka soo maray, waa se ay kala miirmi haddii Alle yidhaa ee waa innoo iyo doorashada.

Mohamed Hagi Mohamoud

Filed in: Articles

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.