Xukuumadda Somaliland oo ganacsato Carbeed ku wareejinaysa Qalabkii shirkadda PRIME ee shismaha

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa ku wareejinaysa ganacsato Carbeed qalab ay lahayd shirkadda PRIME oo uu wakiil Somaliland uga ahaa muwaadin Xamaado oo ay dhawaan Maxkamadda Somaliland xukun ka soo saartay khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo Mulkiilayaasha Carbeed.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka danbeeyey kadib markii ganacsatada Carbeed ay dacweeyeen wakiilkooda Somaliland ee qalabka uga masuulka ahaa Xamaado, kaasoo ay ku eedeeyeen mashaariicdii uu qalabka kaga soo qaaday inaanay waxba ka fulin, isla markaana ay doonayaan Hantidooda inuu ku wareejiyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay ugu wareejin lahayd qalabkaasi ganacsatada Carbeed, maadaama Maxkamaddu go’aan fulineed u soo saartay, waxaanay wasaaradda Arrimaha guduhu ku hawlan tahay sidii ay ugu soo ururin lahayd qalabka shirkaddaas oo ku kala filiqsan dhawr meelood.

Xukuumadda ayaa marka ay soo dhamaystirto ururinta qalabkaas waxa ay u qaban doontaa xafladdii au ugu wareejin lahayd ganacsatada Carbeed oo muddo-ba ku sugnaa Hargeysa.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.