Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha oo Map Qaranimadda Somaliland Nusqaan ku ahaa oo Qaramada Midoobay soo Bandhigtay dib uga ururiyey shir Hargeysa ka dhacay

 

Map-ku waxa uu Dhul Somaliland leedahay hoos gaynayey Somaliya

 

IMG_3A09A3-C33884-358964-CACE91-29249B-7C1EB5Hargeysa(Waaheen) Wasiiru-dawlaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Riyo Raac ayaa shir lagaga hadlayey siyaasadda Dhulka oo ay ka soo qayb galin badi wasaaraddaha Somaliland ee ku shaqada leh iyo hay’addaha Qaramada Midoobay waxa uu gacanta ula tagay Map dhulka Somaliland hoos gaynayey Somaliya oo ay Qaramada Midoobay u qaybiyeen ka soo qayb galayaashii, kaasoo mar danbe laga war helay. Map-kan oo ay inta badan isticmaalaan Qaramada Midoobay ayaa shalay hortooda dib looga ururiyey, iyadoo shirka habsami u socodkiisu hakad galay, isla markaana uu guux badani hadheeyey ka soo qayb galayaasha kadib markii uu dareenka Diidmada ah ee dhagarta qaramada Midoobay wada gaadhay ka soo qayb galayaashii Reer Somaliland. Wallow shirku markii danbe iska socday, hadana waxay arrintani dad badan ku abuurtay su’aal ay iska weydiiyeen sababta ay masuuliyiinta Xukumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradaha mashruucani khuseeyaa u ogaan waayeen ama uga war hayn waayeen waxa ay qaramada Midoobay la shir imanayso shirka. Inkasta oo Xukuumadda Somaliland lagu dhaliilo in aanay qorshe ka lahayn hab-dhaqanaada Beesha Caalamku ku wiiqaysa qadiyadda Somaliland, hadana arrimaha caynkan oo kale ahi waxay muujinayaan in aanu jirin dareen soo jeeda oo ay xukuumadda Somaliland kaga hortagi karto waxyaabaha ay Somaliland ka Aaminsanyihiin madax banaanida Somaliland, inkasta oo aan wali la ictiraafin.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.