“Shalay Daalinkan Riiday Dalbaabu Xukumayee, Qaar daaqii xoolaha Dakadiyo Madaarkii iyo dawladnimadii, sariifta ka daba Yimid” Xog-hayaha Difaaca Waddani

XXXAAAHargeysa(Waaheen)Xog-hayaha Gaashandhiga ee Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI  Khadar Budle ayaa  hanjabadii ugu cusleed u diray xukuumada gaar ahaan wasiirul dawlaha wasaarada arimaha gudaha oo xisbiga Waddani ka hor istaagey shir uu Hargeysa ku qabsan lahaa.

 

Khadar Budle ayaa sheegay in Somaliland cid uga laxejeclo badani aanay jirin, waxanu sheegay in dastuurku siiyey muwaadiinta in ay kulamo qabsan karan, waxanu yidhi. “Xukumadan maanta jirta waa Xukumad aan Xishoonayn, wadanka wixii ay ka geystay la ogyahay, waxaan sheegayaa in aanay Xukumadu hor istaagikarin ummadan Somaliland Ma’baadiidooda  iyo waxay xaq u leeyihiin, waxaan leeyahay in-Muuse Diiriye iyo qayrkiiba maanta haddii aad Maansoor naga hor istaagteen meelo aydaan inaga  horistaagi karinbaa jirta, balan waxaanu ku qaadaynaa in aanu umada soo saarno, mudaharaado  abaabulno, shirarkan iyo kuwo ka balaadhanba aynu qabano, cid na hor istaagikartan aanay jirin anaga oo u marayna sifo sharci ah, sifaha sharciga ahina waxa qof ku xidhan  ma ah wax wasaarad ku xidhan ma ah, waa xaq uu dastuurka Somaliland na siiyey”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu Khadar Budle Xog-yahay Difaaca  xisbiga Waddani soo qaatay gabaygii Gaariye ee ahaa “Shalay Daalinkan Riiday dalbaabu xukumayee, qaar daaqii xoolaha dakadiyo Madaarkii iyo dawladnimadii,  sariifta ka daba yimid, Somaliland cidnooga laxejeclo badani ma jirto, cid noogu dhex hanjabikartan ma jirto”

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.