Madaxweynaha Somaliland oo isku Shaandhaynaya Xukumadiisa

Isku shaandhayntan  ayaa saameyndoonta wasiiradda,  Agaasimayaasha, Gudoomiyaasha Hay’addaha dawladda iyo Badhasaabada Gobolada

 

 

asasHargeysa(Waaheen) Ilo Wareedyo Wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) in uu Xukuumadiisa ku sameyn doono Isku Shaandheyn balaadhan.

Taasoo saameyn doonta qaybaha Xukuumadda sida golaha wasiiradda iyo Ku-xigeenadooda, Agaasimayaal guud iyo Gudoomiyaasha Hay’addaha dawladda iyo Badhasaabada Gobolada. Iyo weliba Sidoo kale Taliyaasha guud ee Ciidamada kala duwan.

Wararka ayaa intaa raaciyey in Madaxweyne Axmed Siilaanyo qorshaha isku shaandheyntu kaga soo dhalatey markii uu safarka shaqo ku joogay dalka Ingiriiska, waxa kaloo xogguhuu intaa raaciyeen inay isku shaandheyntaa xiligan inay kusoo beegtay kaddib markii golaha guurtida Somaliland Xukuumadda u Kordhiyeen. Wararka ayaa sheegaya in seefta Madaxweynaha ee xilka qaadista la tegi doonto xubno ku xiddideystay xukuumadda, kuwasoo mudo dheer xilal kala duwan oo wasiirnimo ah kasoo qabtay Xukuumadda tallada haysaa ee Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.