Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Afka ciida u Daray Kooxda Saxafiyiinta Somaliland

kooxdaWaxaa ciyaar aad u xiiso badan ay galabta garoonka kubada cagta  ee Hargeysa Stadium ku dhex maray kooxda fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska iyo saxaafada Somaliland.

Ujeedka loo qabtey ciyaartan oo aheyd in lacagta ka soo baxda lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ayaa waxaa ka soo qeyb galay tageerayaal aad u badan oo labada dhinac ba ah Labada kooxood ayaa waxaa kala watey Cabdi Good Abees oo saxaafada Couch u ahaa iyo Abwaan Cabdirisaaq Xamuud Jaylaani  oo isna watey kooxda xidigaha Geeska , waxaana qeybtii koowaad ee ciyaartu ay ku soo dhamaatey Barbar dhac 0 iyo 0 ah

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa u suurto gashay kooxda xidigaha Geeska in ay goolkoodii koowaad ay la yimaadeen

Dedaalo badan oo ay sameeyen kooxda suxufiyiinta Somaliland nasiibku waa uu ka hiiliyey oo umay suurto galin in ay wax goolal ah dhashadaan waxaana ay ciyaartu ku soo dhamaatey 1 – 0 , Guushuna waxaa ay ku raacdey kooxda xidigaha Geeska oo halkaas ka qaadey koob ciyaartan yaalay

 

 

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.