Xisbiga WADANI oo canbaareeyey Mooshinka Baarlamaanka Somaliya kaga hadlayaan Saldhiga Milatari ee Berbera

0
53

Hargeysa(Waaheen) Xisbiga WADANI ayaa caawa canbaareeyey Mooshin ay ku sheegeen Baarlamaanka Somaliya inay kaga doodayaan saldhiga Milatari ee ay Xukuumadda Somaliland ay ka kiraysay Imaaraat-ka Carabta.

uurcadeXoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Maxamed C/laahi Uurcade waxa uu saxaafadda u sheegay Baarlamaanka Somaliya inaanay waxba ka khusayn Heshiisyadda ay Somaliland Khayraadkeeda kula gasho Dawladdaha kale.

Xisbiga WADANI waxa uu ku Eedeeyey Somaliya inay weerar qaawan ku hayso Danaha iyo Horumarka shacabka Somaliland iyo Hay’adihiisa Dawliga ah ay gaadheen, isla markaana ay ka shaqeeyaan duminta qaranka Somaliland, halka ay Somaliland la jeceshahay inay Nabad helaan.

Maxamed C/laahi Uurcade waxa uu Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ugu baaqay inaanay ku mashquulin dacaayadaynta Xisbiyadda kale ee qaranka ee ay ka hadlaan Dooda iyo mooshinka la horkeenay  Baarlamaanka Somaliya oo aanay illaa hada ka hadal.

Xoghayaha Guud waxa uu sheegay in Xisbiga Wadani wali in uu aaminsan yahay mawqifkiisii ku saabsanaa dhaliilaha ay u hayaan Heshiiska Xukuumadda Somaliland kula gashay Imaaraat-ka Saldhiga Milatari ee Madaarka Berber, kaasoo uu ku tilmaamay mid ay si weyn u Saluugsan yihiin galistiisa.