Madaxweynihii hore ee Tuuniisiya iyo Wiil uu soddog u yahay oo Maxkamaddi ku xukuntay Xabsi dheer

0
140

Tuuniisiya(Waaheen) Maxkamadd ku taala  Dalka Tuuniisiya ayaa xukun ku riday Madaxweynihii hore ee Dalkaasi ee Kacdoonka xukunka lagaga qaaday Saynu Caabidiin Binu Cali iyo Wiil uu Sodog u yahay, kuwaas oo lagu helay danbiyo musuq maasuq.

Maxkamadda Tuuniisiya ayaa Madaxweynihii hore ku riday Lix sano oo xadhig ah, halka wiilka uu soddoga u yahay ay uga Libin laabtay.

tuuniisiyaMadaxweynaha Tuuniisiya ayey galaafatay Kacdoonkii Gu’ga Carabta, kaasoo uu dalkaasi ka bilaabay wiil ganacsade ah oo is gubay, kadib markii ganacsi yar oo uu suuqa Tuunis ka furtay Booliisku si Axmaqnimo ah uga qubeen.

Madaxweynaha la xukumay ayaa dalka Dibediisa ku nool gaar ahaan dalka Sucuudiga oo uu Magan-galyo siyaasadeed ka helay kadib markii xilka laga tuuray.