Maayaradda Magaalooyinka Somaliland oo $100, 000 ku bixiyey muddo kordhinta labada sano ah ee Guurtiddu u samaysay

0
132

Guurtidda oo ka diiday shuruud ahayd inaan Maayaradda la Eryi Karin muddada loo Kordhiyey

Hargeysa(Waaheen) Ilo wareed rasmi ah ayaa Waaheen u sheegay In maayaradda magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ku jireen maalmihii u danbeeyey Olole ay ku doonayeen in muddada loogu kordhiyo, kuwaas oo iska Ururiyey Lacag dhan boqol kun oo Doolar ($ 100,000)

maayaraddaMaayaradda magaalooyinka Somaliland ayaa boqolka kun ee Doolar la sheegay inay u dhiibeen xubno ka mid ah guddidii Saleebaan Gaal u magacaabay ka soo talo-bixinta muddo kordhinta Golayaasha Qaranka oo ay Doorashooyinkoodii siyaabo kala duwan dalka uga qabsoomi waayeen.

Warku waxa uu intaa ku daray in maayaraddu shardi kaga dhigeen Guurtidda inay muddo kordhinta la ansixiyaan go’aan ah in aan Maayaradda laga qaadi Karin xilka muddada loo kordhiyey, hase yeeshee arrintaas waxa la sheegay inay ka biyo diideen mudanayaasha Golaha Guurtiddu.

Golaha Guurtidda ayaa Golayaasha Deegaanka u Ansixiyey muddo kordhin gaadhaysa laba sano iyo badh, taasoo u muuqata inay ka dhalatay dhaqaalaha ay ku bixiyeen ololihii ay u galeen oo laga dareemayey golaha iyo Caasimadda Hargeysa-ba.

Xisbiga Kulmiye ayaa warar hore sheegeen in uu ku bixiyey muddo kordhinta sidii uu baajin lahaa inay noqoto wakhti ka badan kii lagu heshiiyey lacag gaadhaysa Xildhibaankiiba $2000 (Laba Kun oo Doolar), inkasta oo aanay sidii uu doonayey ugu hirgalin, hadana waxa la kordhiyey muddo sadexda Xisbiba duuduub ku Liqeen.