Ha Iloobin Geerida !!

0
126

ha ilWaxaan ka qayb-galay Alle ha u naxariisto’e aaska 14 Jir Xaafidul Qur’aan ahayd oo Habeenkii Jimcuhu soo gelayey ILAAHAY oofsaday, ka dib Xanuun ay u jiiftay muddo laba Sannadood ku dhow.

Meydka oo aanu markii hore dooneynay in Muslimiintu ku tukadaan markay Salaadda Jimcaha ka baxaan, ayaanu dalab ka yimid khayr-faleyaashii Xabaasha diyaariyey awgeed ula deg-degnay Masaajidka Tabliiqiyiinta oo ku yaalla bariga Magaalada Hargeysa, oo Saacad walba ay ku sugan Dad ku filan inay Janaa’sada ku tukadaan Marxuumiinta la aasayo, waxaanuna qaadnay Sagaalkii Subaxnimo iyo wax la jira.

Waanu qaadnay oo waanu geynay Masaajidkii aanu dooneynay in lagaga Tukado, laakiin intii aanu jidka ku sii jirnay iyo intii aanu Masaajidka ku sugnaynba waxa dhacay dhacdooyin mudan in lagu Cibro qaato, kuwaasi oo aan jecelahay inaan idila wadaago.

Markii aanu qabsanay Waddada Masaajidkaba waxaanu jidka ku gaadhnay Gaadiid kale oo siday Meyd la doonayo in lagaga soo tukado Masaajidka aanu annaguna ku soconay ee Tabliiqiyiinta.

Alle Towbadda ha inna waafajiyo, intaanaan Gaadhin Masaajidka ee aanu Jidka ku sii jirnay waxaanu la kulanay Guri ay Dumar badan hor-fadhiyaan oo sida la noo sheegay Geeri ka dhacday. Balse, intaasoo keliya kuma goobna dhacdooyinka aan la kulmay Jimcihii inna dhaafay ee bisha Maarij ahayd 4-ta, Waayo. ? Masaajidkii aanu ku soconay waxaanu ugu tagnay Qof Saddexaad oo Meydkiisa loo geeyay si loogu Tukado, wallowse markii dambe hal mar lagu wada tukaday Meydka Marxuumaddii aan Dadka siday ka mid ahaa, kii aanu Waddada ku gaadhnay iyo Marxuumkii aanu Meydkiisa Masaajidka ugu tagnay.

Laakiin, Dadkii Saddexda Marxuum Salaadda Jinaasada ku tukaday oo aan kala dareerin, ayaa Meyd Afraad laga soo geliyey Albaabka Masaajidka oo Annagu aanu ka sii baxaynay.

Intaasi waa inta aan Anigu goob-joogga u ahaa, laakiin imisa Qof baa Maalin walba ka guura Adduunyada oo Alle Oofsadaa.? Imisa Qof oo aad garanaysay baa Sannadkii dhammaaday Geeriyooday oo aan soo gaadhin Sannadkan aynu ku jirno.? Imisa jeer-baynu maqallay Hebel ama Heblaayo ayuu Wadnuhu is-taagay oo Geeriyooday/Geeriyootay.

Naf walba way dhadhamin Geerida, laakiin Qofna ma oga Goorta la qaban iyo Goobta lagu qaban.

Walaalayaal, Qormadan kooban waxaan u soo gudbiyey inaynaan Geerida iloobin, iskuna hallaynin dhal-dhalaalka Adduunyada ee dhammaanaya, una shaqeysanno Aakhirada baaqiga ah.

Alle (SW) wanaagga ha inna waafajiyo, ee waxaan naftayda iyo Nafahiina kula dardaarmayaa inaynu Geerida Xasuusnaano, una diyaar-garowno Mustaqbalka fog. Maaddaama oo ILAAHAY Qur’aankiisa innagu leeyahay “Dadkii Ilaahay rumeeyayoow ha soo dhimanina idiinkoo Muslim ah mooyaane”, taasi oo aynu ka fahmayno inaynu u hoggaansanno Amarrada Alle iyo fulinta ujeeddadii uu inoo abuurtay.

Wa billaahi Towfiiq

Waxa qoray: Cabdiqaadir Aadan Carab (A.a. Carab)