Abaar Ayaa Ka Jirta Fikirkii iyo Fogaan-Aragga.

0
87

 

abaarWaxa jirta abaar weyn oo ka jirta xagga FIKIRKA gaar ahaan marka ay timaaddo odoroska iyo ka talinta mustaqbalka. Dadkii dhamaantood waxa ay ka hadlayaan dhacdooyin iyo wax maalintaa jooga. Wey adagtahay inad hesho cid ad ka wada hadashaan mustaqbalka iyo geedi socodka horumarka, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.

Hadba sidii shinida uunbaa lagu xoomayaa arinka maalintaa taagan oo looga hadlayaa sidii oo ay tahay arin dhulku ku rogmayo. Marka ay muddo ka soo wareegtana waxa ad arkeysaa iyada oo lagu xoomey dhacdo kale oo markaa joogta oo tii hore aan waxba laga qaban oo la iloobey.

Hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka joogaa aragtidooda u fogi waa dhacdooyinkaasi. Guulaha u weyn ee ay tartanka uugu jiraanna waa xisbi hebel haka badiyo xisbi hebel kale. Siyaasadda dalka ka jirtaaba waa heer hoose oo “Local” ah. Maaha siyaasad ku dhisan heer qaran iyo aragti balladhan. Wey yartahay inta ad maqleyso cid ka hadleysa ama isweydiineysa xaggee ayaan u socona dal ahaan? Iskaashiga inaga dhexeeya Itoobiya muxuu yahay? Aqoonsi yaa ku maqan oo raadinaya? Soomaaliya dawladda cusub ee ka dhalatey saameyn intee leeg ayey inagu yeelan kartaa? Kumanaanka dhalinyarta ah ee shaqo la’aantu hayso maxaa qorshe inooga ah? 5 sanadood dabadood inan halkee gaadhno ayaan rabnaa? Su’aalaha noocan ah haddaad weydiiso dadka iyo siyaasiyiinta, mucaarid iyo muxaafidba, wey adagtahay inad jawaab u hesho. Jawaab uun maahee, xataa waxa adag in cidi kaala hadasho ama dooddo. Nasiib ayaad leedahay haddii aaney kula yaabin oo aaney kuu maleyn inad sakhraansantahay.

Hoggaamiyayaashii bulshadu qaarkood waxa soo gaadhey bulshadii ay hoggaaminayeen oo wax cusub oo ay u sheegaanba islama hayaan. Qaarkood wey soo saaqideen oo bulshadii ayaaba ka yaaban halka ay taladoodii mareyso. Qaarna dano gaar ah ayey daba ordayaan oo wakhti uuma hayaan dantii guud. In yar ayaa dedaaleysa oo ku hawlan horumarka.

Waxa muhiim ah in ummadda loo sameeyo hiigsi iyo hadaf ka weyn siyaasad maalmeedka. Waxa loo baahanyahay wax ummadda mideyn kara oo la wada hiigsado. Iyada oo dadku ku kala duwanaan karo siyaasadda iyo xisbiyada, ayaa hadana la yeelan karaa wax intaa ka sareeya oo loo wada shaqeysto oo la rabo in la gaadho.