Kulmiye oo Golaha Guurtidda ka dalbaday in ay wakhtiga Doorashada ku Ansixiyaan Muddadii lagu Heshiiyey

0
102

Xildhibaano Kulmiye Taageera oo u soo dhameeyey kharash dhan min $2000

Hargeysa(Waaheen) Xisbiga Kulmiye ayaa maalmahan ba Olole balaadhan ugu jiray Golaha Guurtiddu inay Ansixiyaan Heshiiskii Axsaabtu ku gaadhay Doorashada Madaxtinimaddu inay ku qabsoonto bisha oktoobar ee sanadkan 2017-ka.

Xubnaha Guddida fulinta ayaa la sheegay dhawaan inay kulan ka yeesheen arrintan, waxaanay farriintooda u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Guurtidda, kaasoo ay ka dalbadeen in uu xildhibaanada ku xakameeyo Heshiiska in aanay dhaafin.

Ilo wareed u dhuun daloola kulamada iyo ololayaasha Kulmiye arrintan ku baadi-goobaya ayaa sheegaya in ay Guddoomiye Saleebaan iyo Xildhibaano ka tirsan Guurtidda oo Kulmiye Taageeraa ay isla meel dhigeen kharash lagu meel mariyo doonistooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qiimaha Xildhibaanada loo qoondeeyey inay ku meel mariyaan laba kun oo Doolar xildhibaankiiba, taasoo shuruud lagaga dhigay xisbiga Kulmiye, balse illaa hada damaand looma hayo haddii la siiyo inay wakhtiga Kulmiye doonayo ku meel marin doonaan.

Xukuumadda, Xisbiyadda Wadani iyo UCID ayaan iyagu Dan ka lahayn go’aanka ay Guurtiddu gaadhi doonto, waxaana la saadaalinayaa inaanay kala jeclayn wakhtiga ay Doorashadu qabsoomayso.