Khatarta Awooda Gabayga

0
144

Dadka gabyaaga ahi waxa ay khatar ku yihiin habka dawladnimada macmalka ah, dawladii Soomaaliya dagaalka ugu badan waxa la galay Abwaano waawayn oo si fool xun u soo bandhigay ceebihii dawlada, dadka Soomaalidu aad bay ugu dhaga nugul yihiin hal abuurada oo sixirka gabayga dhiiga dadka ku dhaqaajiya, dhalinyartuna sida xaydho waynta ayay dabka isugu guraan, markaasa gabayaaguna jabka caruurta sawiraan iyaga oo ku soo hal qabsada qaar si xun dagaalka ugu dhintay siddiiyo aakhiro khayr kaga horeeyo. Gabyaagu waxa uu ahaa farshaxanka shida colaadaha reeraha dhexdooda iyaga oo dhalinyarta dagaal ku tirtirsiya iyo in geeridu nolosha dhaanto. Aad bay u yar tahay gabyaa Soomaaliyeed oo aan qabiil dufaacin ama aan qabiil kale caayin, doorka iyo ceebaha hal abuurku waa mid u baahan in daraasado lagu sameeyo qoto dheer. Maalmahan waxa aan arkaya gabyaa dhalinyarta kicinaya, iyada oo ay ii muuqato rajadii iyo dabayshii abid ugu xooga waynayd ee Soomaaliland soo martay iyada oo maanta laga hadal hayo meel walba oo dunida ka mida istaaraajinimada qarankan yar ee curdinka ah. Waxa aniga iimuuqda ictiraafkaynu u waalanay, gabyaaga cadhaysan ee erayada sida baas isugu toosiya, waxa aan leeyahay filin kale keena dhalinyarta sabanku balo xoog looga kaca uma muuqato, idinkuna sawir iyo sheeko ka samayn maysaan bari marka ay dardaraan dawlad u eegtan maqaar saarka ah. Shaqada ugu wayn ee bulshada Somaliland u taala waxa ay ila tahay sidii la isu qabadsiin laha dawladnimda iyo hab-nololeed keena bulsho. Maxa ku baxay?