Ururka Wershadlayda oo Canbaareeyey xadhig Maayarka Hargeysa Hargeysi kula kacay Xubno ka mid ah Ururkooda

0
38

Hargeysa(Waaheen) Qoraal rasmi ah oo uu Guddoomiyaha Ururka Wershadlayda Somaliland Mohamed Sh. Omer ka soo saaray xadhiga xubnaha Ururkooda ayaa u qornaa sidan:-

Uj: War-Saxaafadeed.

Haddaanu nahay Ururka Warshadleyda Dalka (NIA) waxaanu cambaaraynaynaa xadhigii lagula kacay masuuliyiinta shirkaddaha biyaha ee Hargeisa. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Warshadda  Dur-Dur  iyo Warshadda Zamzam. Taasi oo uu kula kacay Duqa Caasimadda Hargeisa maalintii taariikhdu aheyd 23rd February, 2017ka iyada oo uu u socday wada hadal Ururka Warshadleyda Dalka iyo Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeisa.

 

Allaa   Mahad   Leh

 

Mohamed Sh. Omer.

Guddoomiyaha Urur Warshadleyda Dalka, JSL.