Hargeysa: Waalidiinta oo gacantooda ku soo qab-qabanaya Sixiroolayaasha Ubadkooda Xadaya markii Booliisku ka dhago adaygeen

0
37

Hilib iyo Lafo u Eg Hadhaa Dad la googooyey oo laga helay meelo ka mid ah hargeysa

Hargeysa(Waaheen) waxa isa soo taraya dhibaatada ay Carruurta Hargeysa iyo goboladda kale-ba ku hayaan Kooxo Sixiroolayaal ah oo qaarkood ku dawarsanayaan, qaarkood-na ay Ubadka u gaynayaan kooxo fur-furaya oo Qaliino ku samaynaya xubnaha Muhiimka ah ee jidhkooda, isla markaana Khaarajinaya.

faaloDhacdadii ugu danbaysay ee Inanta lagu badbaadiyey waxa ka qayb qaatay Qoys degan Duleedka galbeed ee Hargeysa oo ay naf Xarbigii Inantu gashay, kadib markii uu si uun Sixirkii ay Islaanta qafaatay ku xidhay uga furmay, kuwaas oo gacanta ku soo dhigay isla markaana Booliiska u gacan galiyey.

Dhacdooyin kale oo la mid ah kuwan ayaa qaarkood ay Booliisku gacanta ku hayaan kadib markii sidan oo kale ay Ehelada Carruurta la qafaalatay ku Guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan hawl-galo kala duwan oo ay ku baadi doobeen dartood.

Hase yeeshee waxa muuqata is-xilqaanka Waalidiinta inay caqabadi ka hor timid, taasoo aaaaaah Booliiska ooh awl-galadaas ka gaabiyey iyo waliba sharci horgayntii kooxahan Sixiroolayaasha ah oo ay Booliisku ku Andacoonayaan inaan caddaymo ku filan loo haynin.

Waaldiinta Carruurta la Badbaadiyey dhalay iyo kuwa ay ka maqan yihiin labaduba waxay isku raacsan yihiin oo ay ku sheegayaan cabashada ay warbaahinta soo gaadhsiinayaan in aanay ka helin Booliiska Taageeradi, dabagalkii iyo Baadhsitii looga baahnaaba.

Waalidiinta intooda badani waxay xusayaan in talaabo kasta oo ay u qaadaan Baadi-doonka Ubadkooda ay Booliisku lacag ku xidhayaan, isla markaana waalidiin badan oo Ubadkooda ku waayaan inay soo helaan dhaqaale la’aanta haysata, taasoo Booliisku la’aanteed aanay u dhaqaaqayn.

Wiil dhawaan laga qafaashay xaafadda Xero Awr oo Aaabihii soo qabtay ninkii Wiilkiisa Sixray ayaa walaac ka muujiyey dhacdada ka qabsatay Wiilkiisa, waxaanu sheegay markii uu saldhiga geeyey in ay Booliisku weydiiyeen caddaymo hase yeeshee markii wiilka uu dhalay ee dhibtu soo gaadhay uu sheegay in uu ninkii yahay, waxay ku gaabsadeen in aanay Maxkamd gayn Karin ee ay Laanta Socdaalka la kaashan doonaan si loo mastaafuriyo, hase ahaatee xataa ma cada inay talaabadaas qaadeen iyo inkale.

Toddobaadkii hore mar ay Koox wariyayaal ahi kaga qayb galeen tuuladda Xaraf Aaska Marxuum wariye ahaa waxa ay dadka Aaska joogay u sheegeen in Afar carruur ah mar kali ah baabuur lagaga qaatay kantaroolkii hore ee galbeedka Hargeysa.

Isla bishan gudaheeda inta la Ogyhaya waxa laba carruur ah lagu soo kala qabtay Wajaale iyo Borama, kuwaas oo Qafaalashadooda sabab u ahaayeen Dumar la mid ah Islaanta lagu qabtay Gabadhii yarayd ee Warbaahinta lagu so bandhigay ee ugu Danbaysay.

Wararka la isla dhex marayo magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in Hilib iyo Lafo hadhaa Dad oo Baco lagu soo guntay laga helay xaafaddaha Hargeysa qaarkood, kuwaas oo walaahow ka badan sheekadii Qafaalashada ku abuuray Bulshada Reer Somaliland.

Inkasta oo aanay Booliisku dhacdooyinkan wali ka hadal hadana wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Hilibkan iyo Lafahani yihiin Dad la gawracay oo sida loo food saaraynayo Sixirkan iyo ficiladan carruurta lagu xadayo ay sabab u tahay in qaybo ka mid ah jidhkooda la Iibgaynayo, wallow sheekooyinka intooda badani ay sheegayeen in Somaliya loo kaxaysto dadkan, halkaas oo ay joogaan dadka xubnahooda Iibinayaa.

Si kasta ha ahaatee, dhacdooyinkan isa soo tarayaa waa kuwo rajo xumo ku abuuraya shacabka isla markaana Gobno ka dhigaya dedaalada ay bulshadu inta badan ka dalbato hay’adaha Dawladda ee ah in dadka soo Galootiga ah lala socda, kuwa dhaqamada xun xun ee noocan oo kale ah bulshada ku hadimaynayana sharciga lagu Abaal mariyo, hase yeeshee u muuqda kuwo aan ku dhacay dhagihii loogu Talo-galay ee masuuliyadda loo dhiibtay.

Guntii iyo Gabagabadii Booliiska Somaliland waxa haysa Isha Dadweynaha waxaanay ka cabsi qabaan inay isku raacdo caadooyinka lagu Tilmaamo Booliiska Dalalka Kenya iyo Jabuuti, hadaanay labaduba isku raacin.

War-qabadka Waaheen