TARIIKHDA IYO MADAXDA DHAQANKA SOMALILAND

0
130

2Sida aanu la wada socono madax dhaqameed (Traditional Leader) waxaa loo yaqaan Nabad-doonada, Ugaasyada, Boqoradda, Malaaqyada, Garaadyada, Islaamada, Imaamyada, Suldaamada IWM oo ah dad u igman tallada reer, qoys, qolo, jillib, raas IWM. Waa dad shaqadoodu tahay in ay kala hagaan wax Alla iyo wixii ku soo kordha bulshada ay u caleemo saaran yihiin ama ha laga wado ama iyagu ha wadaane. Madax dhaqameedku waa xeerbeegti ku xisaabtanta xeer la sameystay oo la isla yaqaan iyo xeer laga soo dheegtay diinta Islaamka (Sharia Law) oo marka la isku jamciyo loogu yeero Xeer Soomaali (Somali Traditional Law).

Waxaa xeerkaa ugu mug weyn kan xoolo dhaqatada (Pastoral Law) maadaama qaybtaasi ugu badan tahay bulsho weynta Soomaaliyeed, wuxuuse leeyahay xeerar kale oo ku saleysan bey’addaha bulshadu ku kala nooshahay ama ay kala soo baxdo nolol maalmeedkooda sida Xeer Badeed (Costal Law) ay ku dhaqmaan dadka badaha ka xoogsada iyo Xeer Beereed (Farmers Law) ay ku dhaqmaan dadka dhulka xagaafta ee qodatada loo yaqaani. Wuxuu kaloo xeerku leeyahay qayb loogu yeero xeer jajab oo ah xeer hoosaad. Erayga Xeer oo sal u ah doodan waxaa lagu macneeyaa in uu yahay “dhaqan lagu heshiiyey ama qaanuun” bulsho u dhexeeya oo ay isaga iskula noqdaan markay wax kala tabanayaan ama si kale u xaajoonayaan.
Waxaa hubaal ah in xeer Soomaaligu ka isticmaal badan yahay xeerka dawliga ah meel kasta oo ay Soomaalidu degto xitaa hadday ku tahay Ethiopia iyo Kenya oo ay xukuumadahoodu inta badan si joogto ah u shaqeeyaan. Haddaba haddii uu caynkaa yahay waxaa la oran karaa xeer Soomaaligu waa kan ugu muhiimsan hab nololeedka ummaddeena. Inta xeer Soomaali jiro, madax dhaqameedna wuu jirayaa, dadkuna si kala gedisan ayey u arkaan ugana faalloodaan waxtarkooda. Si haddaba aan waxtarkooda u iftiimino shar iyo khayr kuu yahay, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa wixii ka dambeeyey burburkii Soomaalidu sida uu wax u taray ama wax u dhimay madax dhaqameedku iyo waxyaallaha sababay maxsuulkiisa noocuu doono ha ahaadee.
Waxaan ognahay in uu si wacan uga shaqeeyey dadaalka madax dhaqameedku .
Dowlada Somaliland ay udbaha u taageen iyagu, waxaana taas u sabab ah baa la oran karaa ummadda Somaliland ee ku dhaqan oo aan marna lumin xushmadda iyo karaamada ay u hayaan xeer Soomaaliga iyo horjoogayaashooda dhaqankaba, taasina ay sababtay in ay maxsuul khayr u keenaan dadkooda xilligii loogu baahida badnaa

– Talladu waa tan Allee,
Ilahay Baa mahadleh