Cali Khaliif Galaydh oo Ceel Biyo ka Dhagax dhigay Widh-widh

0
47

cali dfHargeysa(Waaheen) Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khilaaf Galaydh ayaa shalay dhagax dhigay Ceel biyo riig ah oo ay yeelan doonto degmada Widh-widh ee gobolka Buhoodle, Waftiga cali hogaaminayo ayaa dhanka kale kulamo kala duwan la yeeshay Madaxdhaqameedka deeganka Widh-widh, waxaanay ka wadahadleen arrimaha Nabadgelyada, sidaasi waxa noo xaqiijiyey Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buhoodle Jaamac Dheeg Cartan oo Hawlo caafimad u jooga Magaalada Hargeysa, waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenku sheegay in deeganada gobolka Buhoodle ay ka jirto Abaar xumi, isla markana dadkaasi u baahan yihiin gargar degdeg ah oo xukumadu la gaadho.

Waxa kale oo uu sheegay in la soo gabogabeyey colaadii dhex martay laba beelod ee walaaha ah ee  ku dagaalamay deegankaasi.