Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo cunay dhul ku yaala Xayndaabka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland

0
58

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Madaxtooyadda ka soo farsameeyey

Hargeysa(Waaheen) ilo wareed rasmi ah ayaa Waaheen u xaqiijiyey in shalay la cunay dhul ku yaala xayndaabka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, dhulkaas oo la hadal hayo in la soo siiyey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cali Dhagoole iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Saleebaan, hase yeeshee waxa dhulkaas lagu soo qoray nin kale oo shicib ah oo la yidhaa Jaamac Birqaab, kaasoo lagu daba dhuumanayo.

Ilo wareedka Waaheen Xogta siiyey waxa uu sheegay in dhulkaas ay kooxdan la soo siiyey markiiba Iibiyeen, iyadoo lagu qiyaasay Lacagta la kala siistay in ka badan laba boqol oo kun oo Doolar, taasoo ay faraqa ku shubteen masuuliyiintan la soo siiyey.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cali Dhagoole iyo Agaasimaha Diinta iyo Aw-qafta Saleebaan oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, isla markaana galangal xad dhaaf ah u leh Qasriga Madaxtooyadda ayaa sababaha loo siiyey dhulka ay ku fadhido wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta lala xidhiidhinayaa Abaal-gud la xidhiidha Hawl-galada ay Ansixiyaan mashaariicda ay Xukuumaddu Gobolka ka wado.

Qayb ka mid ah dhulka loo dhisayo wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta waxa hore u qaatay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaaftu Sheekh Khaliil, waxaana dhulkaasi la boobay lala doonayey in dhawr mashruuc Dadweynaha looga hirgaliyo .