Heshiiska Dawladda imaaraadka iyo Somaliland ee Saldhiga militari ee Berbera

0
71

Tolow bahalaha aynu cuni doonaa miyey innagu soo toosi?

 

Hubaal dalkeenu maalgalin wuu u baahanyahay, laakiinSoomaalidu horray ugu maahmaahday “waan baahanahaylooma bahalo cuno”. Innagoo heshiiskii DP World ee DekedaBerbera ka soo kaban ayuu heshiiska saldhiga Milatari eeBerbera innoogu darsamay.  Heshiiskan ay dawladdaSomaliland la gashay dawladda Imaaaraadku waa heshiisshacabka Somaliland ka qaylisiiyey meelwalba oo ay daafahadunnida ka joogaan inkastoo dad badan oo soo dhaweeyeynajiraan. Annigu saldhig milatari oo dawlad ajnabiyi leedhay oodhan waan necebahay waanan ka soo horjeedaa waayofasahaad iyo dhaqan xumo ayuu wataa. Dawladda Somaliland laakiin waxay inna leedahay faa’iidooyin waawayn baa inoogujira xag dhaqaale, shaqo abuur, horumar… yacnii bahalahawaynu iska cuni si aynu baahida uga baxno.

 

Shacabka Somaliland waxa aad u wareeriyey oo niyadjab u keenay nuxurka heshiiskan iyo qodobadiisa oo aan si cad loola wadaagin. Taasi waxay keentay in dawladda siibaashkhaasta heshiiska soo dhameeyey ee ka dhax muuqda lagashikiyo waayo wax la qariyo qudhun baa ku jira.

 

Sida aynu la socono beesha caalamku Soomaaliya ayeyinnagu tirisaa, markaa ma la hubiyey in ayna Soomaaliyahoosta innaga xaraashin oo heshiiskan aynu la galnayImaraadku shaanbaddii Soomaaliya iyana dhinac kale kagaoolin .  Maqaal aan ka akhriyey Hiiraan.com, Hanti dhowrkaguud ee Qaranka Dawladda federaalka ee Soomaaliya – Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku eedaynaya heshiiskan in ay kadanbeeyeen masuuliyiin ka tirsan Dawladda FederaalkaSoomaaliya iyo dawladda Somaliland.  Waa arrin ay tahay in laga fiirsado oo la hubiyo inkastoo imika hubsiimo waxbainoo tarayn.

 

Sida saxaafadda aan ka akhriyey Guddoomiyaha golahawakiilada Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan golaha ayaa kabaxay shirka loogu codaynayey mooshinka saldhigaMilatariga. Markaad qiyaasto culayska heshiiskani leeyahay, dhacdadadni waa wax lala yaabo hadday wax ka jiraan. Sidayku dhici kartaa in Guddoomiyuhu ka maqnaado shirmooshinkan inta leeg loogu codaynayo; mooshin iyo heshiissaamayn wayn ku yeelan kara ummauddiisa dhinac walba ?

 

Berbera iyo Somaliland ba wax faraq lagu qaado ka waynlaakiin heshiiskan sidan si ka wanaagsan ayaa loo maaraynkari lahaa. Ummadda Somaliland waxa ka masuul ah dawladda ay dooratay oo ay ka mid yihiin labada goleeGuurtida iyo Wakiiladda. Waxaan rajeynaynaa in ay dawladdumasuuliyadda loo doortay si xilkasnimo iyo dal jacayl ku jirouga soo baxdo.  Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Somaliland eeheshiiskan, kuwa soo socda iyo kuwii tegay ka danbeeyeywaa in la ogaysiiya in la qorayo khaayimiin qaran, haddiimusuqmaasuq lagu cadeeyo, kuna xadgubbaan qadiyadda iyosharciga Somaliland. Danbiga intaa leegna meel walba oo ayjoogaan ummadda Somaliland way kala xisaabtami doonto. Innaga waxa innaga waajib ah in aynu masuuliyiinteena garabistaagno, bilaa cadayn aynaan iskaga tuhmin, si kastoo shaki u jiro, ileen innagaa dooranee.

 

Waxaan rajeynayaa in ayna dawladda imaaraadku u isticmaalin saldhigan military sifo ay wax innagu yeesho, amadawladaha kale ee aynu jaarka nahay dhibaato ugu gaysatohaddii uu hirgalo.

 

Illaahay heshiiskan mid khayr qaba ha innooga dhigo. Aamiin

Maxamad Cumar Maygaag (Taag)

Waaheen Media Group

London