SOLJA Oo Hada Si Adag Uga Hadashey Xadhiga Saxafi Cabdimaalik Coldoon , Xukuumada na Eedeymo U Jeedisay

0
88

16708469_399785833701430_3424568314459000753_nHargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jamaac (Xuuto) ayaa ka hadlay xadhiga xukumadu kula kacday Saxafi CabdiMaalin Muuse Coldoon.
Gudoomiyaha Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa waxaa uu xukuumada Somaliland ku eedeyey in ay iyadu Danbarka ka furtey in bulshada Somaliland iyo Somaliya ay isku dhex milmaan oo ay isku safraan hadii ay yahiin saxafiyiin iyo siyaasiinba waxaana uu arintaasi ku tilmaamay go’aan khalad ah oo ay xukuumadu sameysay
Sidoo kale gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ayaa waxaa uu si cad u sheegay in uu Saxafi Cabdimaalik talaabada uu qaadey ay khalad tahay isaga iyo saxafiyiin kale oo ay xukuumadu saacidey oo arintan oo kale ku kacay.