Dawlada Hoose ee Hargeysa oo Jeelka ku Gurtay Mulkiilayaashii Macdaarada Buubuurta Iibiya iyo Cabsi la soo Daristay Ganacsato kale.

0
70

cccccccccccccccccccccccccccccccccHargeysa(Waaheen) Maayarka caasimada Haargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Solteko) ayaa la sheegay in uu bixiyey amarka lagu  xidh-xidhay masuuliyiinta Macdaarada Iibiya isla markana Kireeya baabuurta ee magaalada Hargeysa, xadhiga Ganacsatadan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii dawlada hoose ku eedeysay in ay bixinwaayeen Macdaaradaasi cashuurtii sanadla aha’yd ee ku waajibta.

Dhanka kale  waxa uu hoos u dhac weyni sannadkii hore ku yimid miisaniyada dawlada hoose ee Hargeysa, sida uu sheegay Maayirka caasimada Hargeysa oo warbaahinta ugu warameyey Magaalada Hargeysa ayaa  tilmaamay in Shacabka Hargeysa cashuurta iska bixiyeen, isla markana sannadkii hore cashuurta ay bixiyeen oo kali ah  Boqolkiiba Shan iyo labbaatan dadka ku nool caasimada, taasi oo muujinaysa  in dad aad u badani aanay bixinin cashuurtii ku waajibta.

Maayir Solteco oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi.  “dadweynaha Reer Hargeysa waxaan ugu baaqayaa in ay cashuurta iska bixiyaan, sannadkii dhawaa cashuurta 25% ayaa iska bixiyey, marka dadweynahana  waxan ku celcelinayaa in ay cashuurta bixiyaan” Ayuu yidhi maayirku.