Ciidamo Kala Taageersan Faroole iyo Cabdiwali Gaas oo Shalay ku Siigtay inay Garoowe ku Dagaalamaan

0
89

FFFFFFFFFFFFFFFFFFGaroowe (Waaheen) Madaxwaynihii hore Puntland Dr. C/raxman Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo haatan ah  xildhibaan aqalka sare ah ayaa shalay  soo gaadhay magaalada Garoowe, waxaana dad weynihii soo dhaweeyey uu kula hadlay fagaaraha barxada halkaas oo warbaahintu su’aalo ku waydiisay in uu wado olole ka dhan ah madaxwayne C/weli Gaas oo xilka lagaga tuurayo ayaa warkaasi ku sheegay mid been abuur ah, waxaana uu madaxda Puntland ku tilmamay kuwo baqaya mar kasta isla markaasna aanan waxba qaban.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha Puntland masuuliyiinta gobolka Nugaal iyo ciidamada Daraawiishta Puntland uu faray in la hor istaago soo dhoweynta C/raxmaan Faroole isla markaasna warbaahinta madaxa banaan loogu han jabay in talaabo laga qaadi doono hadii ay qayb galaan soo dhoweynta Faroole hase ahaate ma suuro galin isku daydaasi waxaana si diiran u soo dhoweeyey Mr. Faroole dad wayne tiro badan iyadoo warbaahintu si caadi ah uga qayb gashay soo dhoweyntiisii.

Dr. Faroole ayaa dhinaca kale ku baaqay in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso loogu magac darro madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse oo shalay lagu aasay isla magaalada Boosaaso, waxaana warar hoose oo aanu helayno ay sheegayaan in madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo xiligani colaad siyaasadeed oo xuni ay ka dhaxayso madaxweynaha haatan ee Puntland C/weli Gaas uu ujeedkiisa imaanshaha Garoowe uu yahay sidii uu xilka uga qaadi lahaa Mr. Gaas, waxaana arintani ay dabada ku haysa xiisado hore oo u dhaxeeyey labada masuul iyo sidoo kale hogaamiye Gaas oo uga hiiliyey xiligii doorashada madaxtinimada Soomaaliya Mr. Faroole madaxweyne Xasan Sheekh oo ay isku garab ahaayeen xiligaas C/weli Gaas oo isagu xildhibaanadii u codeyn lahaa C/raxmaan Faroole kala diray si uusan wax cod ah u helin kuna shubay xildhibaanadaasi madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.