Gudoomiye Cirro oo Qori Madax laga qabtay iyo Xildhibaano Dhakhtar la Dhigay

0
41

SHHargeysa(Waaheen) Ciidamada RRU-da, ayaa dhafoorka xabad kaga qabtay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxa kale oo dhaawacyo xooggan ay ciidamadu u geysteen Xildhibbaano iskugu jira odeyaal iyo kuwo kale oo leh xanuunada macaanka iyo dhiirkarka, kuwaasi oo ka soo horjeestay heshiiska Saldhiga Imaaraadka.

Waxa kale oo la xidhxidhay oo xabsiga loo taxaabay xildhibbaano ay ka mid yihiin Maxamed Saalax, Cali Xaaji iyo xildhibbaan Xaamud, waxa oo isaga na la xidhay sida oo kale na qalabkiisii laga qaadey Sawir qaade ka tirsan Universal Tv Cabdiraxmaan Dalmar taxaabay.