Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Ka Digay Cawaaqib Xumada ka Dhalan karta Saldhiga Milatari ee Berbera laga siinayo Imaaradka Carabta

0
74

“Warwar Baddan laga Qabbaa in Dawlada Masarna ay dabba joogto, yeynaan Dalkeena waxaan macno lahayn dhaafsiisanin, Ciidan aan Ciidankaga ahayna looma yeedho”

“Hadii Meeshii Dhuunigu inoo soo Marayey Imaaradka aynu ka Kiraynay oo hadana aynu nidhi Madaarka Saldhig ka dhigo, haddii aynu isqabo Goordhow yaa kaa kicinaya”

 

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkHargeysa(Waaheen) Hogaamiyaha Xisbiga mucaaridka Waddani Xirsi Cali Xaaji  Xasan ayaa ka digay Saldhiga ay Somaliland Siinayo Dawlada Imaaradka carabta, waxaanu ka hadlay cawaaqib xumada ka dhalan karta saldhigaasi haddii la bixiyo.

Xirsi waxa uu sheegay in Xanta suuqa ku jirta sheegayso in dawlada Masar-na ay ka danbeyo oo aan Imaaradka aanay ku koobnan doonin.

waxa kale oo uu sheegay in ceeb inagu tahay dawladii aynu dekedeenii ku wareejinay aynu hadda Siino saldhig, waxanu tilmaamay in gordhow haddii aynu isqabsano sharci iyo xoog ka kaxaynayaa aanay jirin.

Wasiir Xirsi ayaa waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay “Halis baddan ayaa dalkeena kaga iman karta Saldhigaasi Milatari ee la siinayo imaaradka carabta, dunida ciidan qori sita looma yeedho waliba adiga oo aan lagu aqoonsanayn oo sidii labba dawladood aydaan heshiis u galikarin, xaallada Gobolka ka taagana waad la socotaan dagaalka yeman oo meel xun maraya ilama’ ah in aynu baalayo aan inoo dhaweyn aynu inagu casuuno oo aynu u yeedhano, waxaan arkayey rag leh dagaalka dhex kamanihine  ee dhinac ayaanu ka nahay, marka anigu ma ogi goor uu dalkeenu dagaal qaatay oo uu cid xulafo la noqonayo, oo aan dalkeena loo dagalameyne cid kale loo dagaalamayo, maslaxada shacabka Somaliland kuma jirto in dagaal meel kale ka baxaya Faraha la galno”Ayuu yidhi.

Xirsi isaga oo walaac ka muujinaya Saldhigaasina wax auu yidhi. “Waxa warwar baddan laga qabbaa in Dawlada Masarna ay dabba joogto, xanno badanba la  sheegaya, arrinta noocas oo kalena Gobolka warwar ayaa laga qabbaa, in arrintan iska dhawrno ayey ahayd in aynu ku degdegnona may ahayn dagaalkaasina in aynu galno wax inagu khasbayaa ma jiraan, Heshiiska Saldhigaasina xaata ma ah wax xunguri loo galikaro oo wax nacfileh laga helayo, mida kale xaata haddii la leeyahay dawladihii Xooga lahaa ayaa la siinayaa Saldhigan oo way ina ilaalin karaan, waana dawladihii Aqoonsigeena aynu iskudabataagaynay ee ganta ina jiidilahaa ma ah, laakiin dawlad yar oo carbeed oo waliba aynu ognahay mawqifka Carabeed Somaliland Aqoonsigeeda halku ka taaggan yahay aynu saldhig siinaynaa, waa arrin la yaable”Ayuu yidhi Xirsi.

Hogaamiyuhu wuxu soo qaatay Saldhigayo baddan oo dawlado siiyeen dawlado kale iyo jabkii ka soo gaadhay waxanau yidhi. “Waxaad eegta Saldhigyadii hore maxaa laga faa’iday kuwa Xamar Shisheeyuhu ka sameystay Reer Xamarku maxaay  ka Faa’iideen, Maxay Puntland ka Faa’iidey Imaaradka ayaa imika jooge, Maxay Daar fuur oo Sudan ahi  ka faa’iiday  ciidanka jooga, Eretariya maxay ka faa’iidey, adduunka ciidan aan Ciidankaga ahayn looma yeedho”Ayuu yidhi.

Xirsi waxa kale oo uu yidhi. “Qoladii aynu dekeda ka Kiraynay ayeynu odhanaynaa haddana Saldhig baanu siinaynaa, Dekediina waynu ka kiraynay bal ayaa kaa kicinaya, haddii meeshii Dhuunigu ku soo marayey aad siisay, qorina ku ilaasho aad tidhi sharci caalami ah oo ka ilaalinayan aanu jirin, arrintaasi dalkeena dani uguma jirto, war waxana leeyahay waan Baahanahay looma bahalo cuno, yeynaan dalkeena waxaan macno lahayn ayeynan dhaafsanin”Ayuu yidhi.

Xirsi sidaasi waxa uu ku sheegay Waraysi uu la yeeshay Badri Koosar oo ka Tirsan Telefeshinka Star TV, waxaanu Xirsi ugu waramayey magaalada Hargeysa.